fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaItoobiya oo Xidhay Taliyihii Ciidamada Gobolka Amxaarada

Itoobiya oo Xidhay Taliyihii Ciidamada Gobolka Amxaarada

Jeneraal caan ah oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo dhaliili jiray xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed, ayaa Jimcihii ka soo muuqday maxkamadda, kadib markii toddobaadkan la xidhay, sida ay sheegtay xaaskiisa, xilli la xidh-xidhayay qaar ka mid ah dadka u ololeeya siyaasadda qowmiyadda Amxaarada.

Sarreeye Guuto Tefera Mamo, ayaa ahaa taliyaha ciidanka Axmaarada ilaa bishii February markaas oo xilka laga xayuubiyay, iyada oo aan la sheegin sababta.

Ciidamada Axmaarada, ayaa taageerayay ciidamada federaalka ee Abiy ee ka soo horjeeda xoogaggii kacdoonka waday ee waqooyiga Tigray markii uu dagaalku ka qarxay halkaas sanadkii 2020.

Axaddii hore, Tefera, ayaa waraysi uu siiyay TV waxa uu ku naqdiyay istiraatijiyada Abiy ee ka dhanka ah kooxda TPLF, isagoo sidoo kale ku eedeeyay xubnaha Axmaarada ee ka tirsan xisbiga talada haya ee ra’iisal wasaaraha in lagu dhiirrageliyay lacag.

Menen Haile, oo ah xaaska Tefera, ayaa sheegtay in lagu hayay xabsiga muddo toban maalmood ah.

“Boolisku waxay sheegeen inay tuhunsan yihiin inuu ka shaqaynayo inuu si xoog ah u burburiyo nidaamka dastuuriga ah,” ayay u sheegtay wakaalada wararka ee Reuters.

Tefera, ayaa lagu xidhay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa Isniintii, Menen, ayaa sidaas yidhi.

Dhinaca kale, shan weriye oo ka tirsan warbaahinta maxalliga ah ee Ashara, ayaa sidoo kale la xidhay Khamiistii, sida uu saaxiibkood u sheegay Reuters.

“Dadka kaxaystay suxufiyiinta waxay ku labisnaayeen dharka ciidamada gaarka ah ee Axmaarada, Booliiska Axmaarada iyo ciidamada ka hortaga rabshadaha, markii ay qabteen waxaan ku dhex dhuumanayay musqul” ayuu yidhi taliyaha oo intaa ku daray inay xidheen xafiisyadii Ashara ee magaalada Bahir Dar.

Saraakiisha Axmaarada, militariga iyo booliiska, ayaan wax hadal ah ka bixin dhacdooyinka.

Reuters

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)