Friday, March 29, 2024
HomeWararkaShil Dhimasho Sababay oo Ka Dhacay Duleedka Barri Ee Hargeysa

Shil Dhimasho Sababay oo Ka Dhacay Duleedka Barri Ee Hargeysa

Ugu yaraan Afar ruux, ayaa ku geeriooday, halka 7 kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo maanta ka dhacay degaanka Burcada-yar ee duleedka bari ee magaalada Hargeysa.

Shilka ayaa ka dhacay kadib markii uu baabuur Wadada yaalay ay ku dhaceen laba baabuur oo jidka socday.

Dadka ku dhaawacmay shilkaasi ayaa la geeyay cusbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa.
Waxaana halkaasi ku booqday masuuliyiin uu ka mid yahay agaasimaha guud ee wasaaradda Jidadka Somaliland Axmef Abokor.

Agaasimaha oo booqashada kadib warbaahinta la hadlay ayaa ka dayriyay xaaladda dadkaasi dhaawaca ah.

Waxaanu yidhi “Inta dhimatay marka laga tago, inta dhaawaca ah laftooda xaaladoodu way culustahay, ALLE SWT waxaanu uga baryaynsa inuu u booga dhayo, qarankana dhib weyn ayay ku tahay in maalin walba uu qof inagaga dhinto wax laga hortagi karo”.

Dadka ku dhintay shilkaasi waxaa ka mid ah laba qof oo walaalo ah, sida uu sheegay agaasimaha cusbitaalka guud ee Hargaysa Dr. Cumar Askar.

Geesta kale shilalka gaadiidka ayaa Somaliland sannad kasta galaafta nolosha dad badan.

Waxaana socda dadaalo ay wasaaradda gaadiidku ku doonayso in lagu dhimo khasaaraha shilalka baabuurta, kuwaasoo ay mid tahay in la waajibiyo xidhashada Suunka baabuurka.

Sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaarada gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland Axmed Abokor Maxamed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version