fbpx
Tuesday, April 16, 2024
HomeWararkaMadaxweynaha Somaliland oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay Arday Baratay Dastuurka iyo Waddaniyadda

Madaxweynaha Somaliland oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay Arday Baratay Dastuurka iyo Waddaniyadda

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shahaadooin guddoonsiiyay 3000 oo arday dhamaystay barashadda Dastuurka iyo Waddaniyadda oo noqonaya dufcadii koowaad.

Ardaydaasi oo ka mida kuwa wax ka barta dugsiyadda sare ee dalka ayaa mudadii ay wax baranayeen waxaa gacanta ku haysay wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka oo fulisay barnaamijkaasi.

Munaasibadii ardaydaasi shahaadooyinka lagu guddoonsiinayay oo lagu qabtay xarunta jaamacadda Hargaysa, waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, agaasimaha guud ee wasaaradaasi, guddoomiyaha golaha Wakiilladda Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
Xubno ka mid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, madaxda Jaamacadaha kala duwan ee dalka, siyaasiyiin, aqoonyahan, hal-door kale oo bulshada ka mid ah, ardayda qalin jebinaysa iyo marti-sharaf kale.

Iyadoona madaxdii kala duwanaa ee madashaasi ka hadlay ay wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka ku bogaadiyeen barnaamijkan ay ardayda ku bartay dastuurka iyo waddaniyadda.

Waxaana madasha lagu soo bandhigay khudbado salka ku haya muhiimadda ay leedahay barashada dastuurka dalka iyo waddaniyaddu, taasoo ka turjumaysa sida waafiga ah ee ay wasaaradu hawsheedda u gudatay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo munaasibadaasi ka jeediyey hadal dhinacyo kala duwan taabanayay ayaa ugu horrayn ardayda qalin jebisay ku bogaadiyay wakhtiga ay geliyeen sidii ay u baran lahaayeen dastuurka dalkooda, una fahmi lahaayeen qiimaha waddaniyadda.

Madaxweyne Biixi, ayaa si gaara masuuliyiinta wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka ugu bogaadiyay horumarka ay sameeyeen.

Muuse Biixi Cabdi, oo isagu horseed u ah siyaasadda dhallinyarada lagu dhiirri gelinayo ee barashada Dastuurka iyo waddaniyadda, ayaa sheegay inay guul u tahay in dhallinyarada waddanku ay qaadaan jidkii guusha iyo waddaniyadda.

“Dhallinyarada waddaniyadda baratay, waan idiin hambalyeynayaa. Waanan idiin ducaynayaa, waanan idinku dhaadanaynaa, haddii aanu odayaashii nahay na, waxaanu aaminsan nahay in aanu Somaliland dadkeedii u hubaynay aqoon ahaan, waddani ahaan iyo tacliin ahaan iyo diin ahaanba” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo isna halkaas ka hadlay ayaa ugu horrayn si kal iyo laab ah u bogaadiyay dhallinyarada baratay Dastuurka iyo Waddaniyadda.

Isagoona ku dheeraaday dedaalka ay wasaarad ahaan geliyeen sidii ay da’yartani halkan u soo gaadhi lahaayeen, waxaanu shaaca ka qaaday inay soo saareen dhallinyaro maanta ka dheregsan qiimaha waddaniyadda iyo macnaha Dastuurkaba.

Agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha Dastuurka Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf, oo munaasibadda daah-furtay, ayaa si qoto dheer u sharraxday muhiimadda ay qaranka ugu fadhido in da’yarta lagu ababiyo barashada Dastuurka iyo waddaniyadda iyo kaalinta ay wasaaraddu ka ciyaartay sidii uu tacabkani maanta u midho dhali lahaa.

Geesta kale guddoomiyaha golaha Wakiilladda Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa isna bogaadiyay dhallinyarada baratay Dastuurka iyo Waddaniyadda.

Waxaanu masuuliyadda wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo Dastuurkana ku bogaadiyay tallaabada ay hore u qaadeen iyo sida ay tacabka ay dhallinyarada dalka kaga dhigayaan muwaaddiniin faham buuxa ka haysta Dastuurkooda.

Dhinaca kale qaar ka mid ahaa hal-doorka reer Somaliland ee lagu tixgeliyo aqoonta oo ay ka mid yihiin Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, iyo guddoomiyaha guddida tacliinta sare Prof. Saleebaan Cabdi Dirir, oo halkaas ka hadlay ayaa sharraxay muhiimadda ay leedahay in dal waliba da’yartiisa ku canqariyo qiimaha waddaniyaddu leedahay, fahan buuxana ka yeeshaan Dastuurkooda, iyaga oo bogaadiyey ardayda tirada badan ee maanta qalinjebisay.

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha qaranka Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, ayaa iyaduna guul qaran ku tilmaantay in maanta la helay tiro intaas le’eg oo ka mid ah dhallinyarada dalka, kuwaas oo baratay Dastuurka iyo Waddaniyadda oo qiimo weyn leh.

Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu halkaas shahaadooyin ku guddoonsiiyay tiro kamid ah ardayda maanta qalinjebisay, kuwaasoo muddo la soo barayay Dastuurka iyo waddaniyadda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir