Friday, March 29, 2024
HomeArticlesGudoomiye Riyoraac iyo ficiladiisa Guracan ee aanay kula shaqayn Karin Xubnaha Guddida...

Gudoomiye Riyoraac iyo ficiladiisa Guracan ee aanay kula shaqayn Karin Xubnaha Guddida Doorashooyinka iyo Abaal la`aanta uu ku sameeyay Jufadiisa (Solamadow)

Gudoomiye Riyoraac iyo ficiladiisa Guracan ee aanay kula shaqayn Karin Xubnaha Guddida Doorashooyinka iyo Abaal la`aanta uu ku sameeyay Jufadiisa (Solamadow)

Tan iyo markii uu xilka qabtay Gdoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland Mr. Cabdirashiid Maxamud Cali (Riyoraac) waxa uu bilaabay khilaaf iyo shaqo xumo uu ka wado xarunta gudida doorashada ee magaalada Hargeysa, taas oo gaadhay heer ay la shaqayn kari waayaan dhamaan xubnaha kale ee guddidu iyo waliba shaqaalaha kala duwan ee ka hawl gala xarunta Dhexe

Waxa bilowgiiba dibeda usoo baxay buuq iyo khilaaf ka soo yeedhay xarunta Dhexe ee Guddida Doorashooyinka, waxana xubnaha kale ay sheegeen in aan lala shaqayn karayn Cabdirashiid Riyoraac waxana si toosa uga socon wayday shaqadii ka socotay xarunta dhexe, taas oo keentay in ay istaagto shaqadi sido kalena shaqaalihii ka hawl galaayay ay niyad jabaan isla markaana ay ka dacweeyaan xubnaha kale ee guddida doorashooyinka.

Waxyaabaha xusida mudan waxa ka mid ah khilaaf joogto ah oo markasta u dhexeeya Gudoomiye Cabdirashiid Riyoraac iyo xubnaha kale ee Guddida kuwaas oo ku dawakhay shaqo xumaantiisa, sido kale mudadii uu hayay xilka Gudoomiyaha Guddida waxa uu sameeyay Musuqmaasuq balaadhan, isaga oo la baxay lacago badan oo ku jirtay Qasnada Guddida iyo lacago kale oo ku jiray Akoonada gaarka ah ee guddid ku leedahay Baananka Madaxa Banaan, kuwaas oo ay inta badan lacagaha ku soo shubaan Hayadaha caalamiga ah ee la shaqeeya Komishanka Doorashooyinka.

Xubnaha kale ee Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa dhowr jeer isku dayay in ay xaliyaan khilaafka ragaadiyay shaqadii Xarunta Doorashooyinka, taas oo uu hormood ka yahay Gudoomiye Cabdirashiid Riyoraac, hasa yeeshee waa lagu guulaysan waayay in khilaafkaas la dhameeyo ka dib markii ay ka socon wayday dhinaca Gudoomiyaha, taasina waxay sababtay in Gudoomiye ku xigeenkii Guddida, Mr. Mustafe uu dalka uga maqnaado mudo dheer isaga oo jooga magaalada London, sheegayna in uu la shaqayn kari waayay Gudoomiye Cabdirashiid Riyoraac sido kalena uu is casilo xubin ka mid ah guddida kaas oo ah xubintii Xisbiga Ucid, Mr Cabdifataax oo ahaa ninka ugu aqoonta iyo khibrada badan xubnaha guddida maadama oo uu saddex jeer ka mid noqday guddida Doorashooyinka

Dagaalkii uu Gudoomiye Cabdirashiid Riyoraac ku qaaday Beeshiisa (Solamadow)

Tan iyo markii uu xilka qabtay Gudoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland. Cabdirashiid Riyoraac waxa uu dagaal siyaasadeed ku qaaday jufada uu ka soo jeedo ee Soola-Madow, gaar ahaan shaqaalihii ka shaqaynaayay xarunta guud ee Doorashooyinka iyo xarumaha kale ee ku yaala Gobolada Dalka. Waxanay noqotay wax lala yaabo abaal la aanta uu ku sameeyay Beeshiisa maadama la ogaa sidii ay u garab istaageen una muujiyeen taageero laxaad leh in uu ka mid noqdo xubnaha Guddida ka dib markii ay diideen xisbiyada Mucaaridka ahi,

Gudoomiye Cabdirashiid Riyoraac, waxa ugu dambaysay in uu yimaado Guriga Gudoomiyaha Gollaha Guurtida Saleebaan Maxamud Aadan, maalintii uu ku fadhiistay kursiga gudoomiyaha Doorashooyinka taasina waxay noqotay wax lala yaabo maadama oo saleebaan abaal wayn ku lahaa. Xata waxa dhacday in dhowr u telefoonka ka qaban waayay Gudoomiye Saleebaan oo soo wacay Lambarkiisa si uu ugala hadlo arrimo shaqo,

Guntii iyo gebogebadii waxa aan leeyahay, abaal nin gala waa la arkaa balse nin guda lama arko

W/Qoray, Maxamud Ibrahim Burcaawi

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version