fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaDagaalka Ukraine: Ciidanka loo yaqaanno ‘Guutada Soomaaliya’ maxay ka sameeyeen Mariupol?

Dagaalka Ukraine: Ciidanka loo yaqaanno ‘Guutada Soomaaliya’ maxay ka sameeyeen Mariupol?

Qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ayaa mar kale soo cusboonaysiiyay hadal haynta ku saabsan ciidamada Ruushka taageersan ee loo yaqaanno “Guutada Somalia”, kaddib markii ay gacan ka gaysteen dagaalkii ka socday magaalada Mariupol.

Kaddib markii uu dhawaan Wasiirka Gaashaandhigga ee Ruushka, Sergei Shoigu, ku dhawaaqay in Ciidanka waddankiisa ay la wareegeen magaalada Mariupol oo in muddo ah la isku hor taagnaa, waxaa durbadiiba soo baxday in guutada loo garan og yahay “Somalia Battalion” ee dalka Ukraine, balse Ruushka la safan ay kaalin wayn ku lahaayeen howlgalka ka dhacay Mariupol.

Telefishinka Ruptly ee laga leeyahay Ruushka ayaa ka mid ahaa warbaahinta ugu horreysay ee soo tebiyay in Guutada Somalia iyo ciidanka Ruushka oo is garabsanaya ay la wareegeen magaaladaas uu dagaalka culus ka socday tan iyo markii ay militeriga Ruushka weerarka ku qaadeen Ukraine.

Warbaahinnada kale ee caalamka qaarood, sida telefishinka Republic World, oo fadhigiisu yahay Hindiya, ayaa hadal hayay wararka ku saabsan Guutada Somalia ee ka dagaallantay Mariupol iyo nawaaxigeeda.

Maalmo kaddibna, ciwaannada warbaahinta waxaa qabsaday warka ku saabsan in guutadaas ay ka faro xalatay furimihii dagaalka ee Mariupol goobihii ay xoogaggeeda qabsadeenna ay ku wareejiyeen Militeriga Ruushka, iyaguna ay dib ugu laabteen halkii ay duullaanka kasoo qaadeen oo ah gobolka Donetsk.

Waxaa la shaaciyay muuqaallo laga arkayo ciidamada “Somalia Battalion” iyo taangiyadooda oo si weyn loogu soo dhaweeyay Donetsk, iyagoo loo ruxayay ubaxyo iyo caleemo qoyan.

Xigasho BBC Somali

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir