Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaMadaxweyne Biixi oo Shacabka Hargeysa Kala Qaybgalay Tukashada Salaad Roob-doon Ah

Madaxweyne Biixi oo Shacabka Hargeysa Kala Qaybgalay Tukashada Salaad Roob-doon Ah

– Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaad roob-doon ah oo shalay dad oo dhan lagu wargeliyay inay iskugu soo baxaan salaadaas, maantana la oogay.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal ciidan iyo saraakiil kale, ayaa shacabka kala qaybgalay salaad roob-doon ah oo lagu oogay masaajidka Ibraahim-dheere ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda Diin iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani, ayaa bulshada u jeediyey khudbad dheer oo u saabsan iscafinta, Alle bariga iyo midaynta quluubta bulshada.

Waxana uu ku baaqay inay maalmaha Khayrka leh ee bisha Ramadaan ku camiraan baryada Eebbe, gaar ahaan weydiisashada raxmaadka oo wakhtigan dad iyo duunyoba baahi weyn loo qabo.

Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, ayaa isaguna bulshada reer Somaliland ugu duceeyey inuu Eebbe  abaaraha ka soo jebiyo, isaga oo shacabkana ugu baaqay inay toobad-keenka badiyaan.

  

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)