Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu ka hadlay guushii Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron shalay uu ka gaadhay doorashadii ka qabsoontay dalkiisa ee uu kaga adkaaday Marine Le Pen, oo ah haweeneydii xagjirka ahayd ee la tartamaysay ee midigta fog. .
Madaxweyne Muuse Biixi oo qoraal ku baahiyey bartiisa Twitter-ka, ayaa Emmanuel Macron ku hambalyeeyay guusha uu ka gaadhay doorashada dalkiisa.
Madaxweyne Biixi, ayaa waxaa uu sheegay in Somaliland iyo Faransiisku ay yihiin saaxiibo taariikhi ah oo uu ka dhexeeyo Iskaashiga, horumarka, dimuqraadiyadda iyo nabadgelyada iyo barwaaqada caalamka.