fbpx
Tuesday, December 5, 2023
HomeWararkaXukuumadda Somaliland oo Ka Dayrisay Xaaladda Abaarta

Xukuumadda Somaliland oo Ka Dayrisay Xaaladda Abaarta

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta si qoto dheer uga xog-warramay xaaladda abaareed ee dalka ka jirta, waxana uu shaaca ka qaaday inay korodhay baaxadda abaarta saamaysay dadka iyo duunyada ku dhaqan Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka oo ay wehelinayaan xubno kamid ah guddida gurmadka abaaraha oo saxaafadda kula hadlay gudaha qasriga madaxtooyada, ayaa sheegay inay xukuumaddu dedaallo badan gelisay sidii loogu gurman lahaa dadka abaarta ku tabaaloobay, islamarkaana iyo biyo raashin tiro badan qaybisay, balse ay hawshaasi ka baaxad badatay intii hore, loona baahan yahay isku tashi bulsho iyo midnimo gudo iyo dibadba ah oo lagu taakulaynayo dadka iyo duunyada abaartu saamaysay.

Cabdiraxmaan Saylici, waxa uu sharraxay sababaha keenay abaarta baahsan ee dalka ka jirta iyo culayska ay ku hayso dadka iyo duunyada miyiga ku dhaqan, waxana uu yidhi, “Dalka waxa ka jirta abaar baahsan oo dal iyo dadba saamaysay, taas oo sii adkaatay marka maanta loo eego, iyada oo abaartaas saamaynteedu ka timi labadii xilli-roobaad ee ina dhaafay oo roobku aad u yaraa, maanta saacaddaa aynu joogno oo gu’gii aynu bil ku jirno roobkii aynaan haynin, meelaha uu ka da’ayna ay aad u yar tahay.”

Waxa uu sheegay inay xaaladda abaartu werwer badan leedahay, dadka iyo xooluhuna aad usii jilcayaan, saamaynta abaarta ee qiyaasta dadkii gurmadka u baahnaa ay guddidu samaysay Afar Bilood ka hor oo ahayd 810,000 (Siddeed Boqol iyo Toban kun) oo qof ay gaadhi doonto 1.5 Milyan (Hal milyan iyo badh) qof, una dhiganta 250,000 (Laba boqol iyo Konton kun) oo qoys oo reer Somaliland ah.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida gurmadka abaaraha heer qaran, waxa uu bulshada reer Somalilnad ugu baaqay inay caawiyaan dadka abaarta ku tabaaloobay, isaga oo hay’adaha caalamiga ahna ugu baaqay inay hoos u eegaan xaaladda abaareed ee kasii daraysa.

Ugu dambayntii, madaxweyne ku-xigeenku waxa uu iclaamiyey in maalinta berri ah guud ahaanba dalka Jamhuuriyadda Somaliland, laga oogi doono salaad roob-doon ah oo Eebbe lagaga tuugayo in raxmaadkiisa ugu deeqo dadka iyo duunyada abaaraysan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)