Friday, March 29, 2024
HomeWararkaKenya oo Safiir Cusub U Soo Magacowday Somaliland

Kenya oo Safiir Cusub U Soo Magacowday Somaliland

– Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa waxaa uu Benson Mwaliko u magacaabay Safiirka cusub ee dowladda Kenya u joogi doona magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Kenya, ayaa sannadkii hore afar sarkaal oo uu ku jiro Benson Mwaliko u dirtay magaalada Hargeysa, isagoona ku magacawnaa madaxda xafiiska ilaaliya cilaaqaadka labada dal ee Somaliland iyo Kenya.

Diblumaasiyiintu waxa ay sheegayaan in qiyaas ahaan 10,000 oo Kenyan ah ay ku noolyihiin, kana shaqeynstaan Somaliland.

Arrintan, ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu booqasho rasmi ah oo daba socotay martiqaad uu u fidiyay madaxweynaha Kenya ku tagay magaalada Nairobi.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku qaabilay xarunta madaxtooyada, iyaga oo ka wadahadlay arrimo dhowr ah oo la xidhiidha sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal.

Madaxweyne Kenyatta iyo Madaxweyne Biixi, ayaa waxaa ay isla meel dhigeen sii wadidda dadaallada nabadeed iyo danaha ay wadaagaan.

Waxay labada madaxweyne ugu dambeyn ku heshiiyeen afar qodob oo kala ah sidan:-

1.In Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ilaa dhammaadka bisha March ee sanadka 2021-ka. Muddadaas gudaheedana Somaliland waxay sii horumarineysaa howlaha xafiiskeeda Nairobi.

2.In Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa meeshii loo gaadho dabayaaqada bisha March ee 2021-ka.

3.In saraakiisha sar-sare, oo liiskooda lasoo gudbinayo, ay dal ku galka ku qaataan gudaha Kenya marka ay u soo safraan, taasoo la hirgalinayo ilaa dhammaadka bisha March ee 2021-ka.

4.In saraakiisha sar sare ee Kenya iyo Somaliland ay isku waafaqaan xogta iyo wakhtiga la hirgalinayo barnaamijyo isweydaarsi ah oo lagu hormarrinayo Xirfadleyda beeraha, Ardayda, Dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha iyo xirfadleyaasha kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version