Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilandna waxa uu dhankiisa uga mahadnaqay dawladda Uk, fariimihii tiraanyada gubashadii suuqa Waaheen ee Raโiisal wasaaraha dalka Uk, wasiirka arrimaha dibeda, golayaasha, xildhibaanada iyo guud ahaan shacabka UK ay ula qayb-sadeen shacbiga iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ugana tacsiyadeeyeen dhibkaasi soo gaadhay suuqii ganacsiga ee ugu weyna Somaliland.
