Haldoornews.com
Wasiir Ku-Xigeenka Biyaha Oo Soo Kormeeray Xarumaha Biyo-soo-saarka Wajaale
April 13, 2022 - Written by Admin

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda biyaha Somaliland Axmed Jibriil, oo maalintii labaad socdaal shaqo ku jooga gobolka Gabiley ayaa maanta kormeer ku soo maray xarumaha biyo-soo-saarka ee magaaladda Wajaale.
Kormeerkaasi waxaa wasiir ku-xigeenka ku wehelinayay badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, iyo guddoomiyaha magaaladda Tog-Wajaale.
Waxaanay wasiir ku xigeenka iyo masuuliyiinta la socday soo indho indheeyeen goobaha biyo soo saarka magaaladda Wajaale, halkaasoo bulshadda ku nool ay muddooyinkan ka soo yeedhaysay cabasho la xidhiidha biyo yaraan haysata.
Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, iyo wasiir ku xigeenka ayaa kormeerkaasi ka dib warbaahinta uga warbixiyay waxyaabaha ay ku soo arkeen goobaha biyaha ee magaaladda Wajaale.

DAAWO: Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe Oo Kormeerkaasi Ka Warbixinaya:

Geesta kale Wasiir ku-xigeenka wasaaradda biyaha Somaliland Axmed Jibriil, iyo guddoomiyaha degmadda Wajaale ayaa iyagna halkaasi ka hadlay.

COMMENTS
Arimaha Diinta