fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaMadaxweyne Ku-Xigeenka Oo Kormeeray Suuqa Gubtay Ee Waaheen

Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Kormeeray Suuqa Gubtay Ee Waaheen

: Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno xukuumadda katirsan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta kormeer ku tegay goobaha loo qorsheeyey in la dejiyo dadkii ku ganacsan jirey suuqa weyn ee Waaheen ee uu dhawaan dabku baabiiyey.


Madaxweyne-ku-xigeenka oo ay wehelinayaan xubno kamid ah guddida gacanta ku haysa gurmadka dadkii ku tabaaloobay dabkii dhawaan ka kacay suuqa weyn ee Waaheen, ayaa kormeerkooda ku tegay goobo kala duwan oo ay dawladda Hoose ee Hargeysa ugu talo gashay inay si ku-meel-gaadh ah ugu sii ganacsadaan dadkii suuqaas ku ganacsan jirey.
Kuwaas oo ay kamid yihiin beerta xorriyadda, Huteelka Hadh-wanaag iyo xero-jaaddii hore ee Hargeysa, iyaga oo sidoo kalena kormeerkooda ku tegay suuqa Waaheen oo ay ka socota hawsha xaadhista burburka iyo hadhaagii gubashada dabka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir