Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaBaashe Cawil oo Ka Digay In La Siyaasadeeyo Hal Arin

Baashe Cawil oo Ka Digay In La Siyaasadeeyo Hal Arin

Wakiilkii hore ee dowladda Somaliland u fadhiyey dalka Kenya, Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa ka digay in la siyaasadeeyo ama Bulshadu ku kala qaybsanto Qorshaha Dib-u-dhiska Suuqa Waaheen oo uu ku tilmaamay masiibo Qaran oo midnimo lagaga gudbi karo.

Danjire Baashe Cawil Cumar waxa uu ku baaqay in hay’adaha ku-shaqada ee masuuliyaddeedu ay saaran tahay loo daayo qorshaha dib-u-dhiska Suuqa Waaheen, isla markaana dowlad iyo shacab-ba laga wada-shaqeeyo dib-u-soo nooleynta Ganacsiga Suuqa Waaheen.

Danjire Baashe Cawil Cumar waxa uu arrimahan kaga hadlay qoraal uu ciwaan uga dhigay DARDAARAN GUUD oo uu ku baahiyey ciwaannada uu ku leeyahay baraha bulshada, waxaanu ku bilaabay, “Waxa wanaagsan ee ina mideeya ayaa ka badan inta yar ee aynu isku khilaafsanay ama aynu ku kala qaybsanay.

Waxaa dhawaan suuqa wayn ee Waaheen ka dhashay dab khasaare badan u gaystay hantidii iyo dhaqaalihii muwaadiniin faro badan oo reer Somaliland ahaa kana ganacsan jiray halkaa.

Masiibadani waxaad odhan kartaa waa mid ka mida dhibaatooyinkii ugu waaweynaa ee intii ay jirtay Jamuuriyada Somaliland la soo kulantay, waana mid qaabka looga baxayo ama looga soo kabanayo ku xidhan tahay hadba sida aynu u wajahno ama uga hortagno.

Illaa hadda shacabka iyo haldoorka Somaliland ba si isku-mid ah oo midaysan baa arintan loo wajahay, oo loogu kacay.

Waxaase ayaamahan soo badanaya hadalo iyo aragtiyo siyaadadeed oo dhinacyo kala duwan iska taagaya qaabka ama wadada loo marayo dib u dhiska iyo soo nooleenta Suuqa Waaheen,” sidaas ayuu yidhi Baashe Cawil.

Waxa kale oo uu intaas ku daray qoraalkiisa, “Waxaan ku talin lahaa in arintan aan la siyaasadeen ee loo daayo Hay’adaha ku shaqada leh, Dawlad iyo shacabana aynu u guntano sidii aynu gunta dhiisha uga xidhan lahayn ee aynu usoo celin lahayn ganacsigii iyo suuqii Waaheen, dadkii hantida ka gibatayna loogu soo celin lahaa.

Mucaarid iyo Muxaafidbana maanta waxa lagu qiimeenayaa hadba sida aynu uga qayb galno gurmadkaa, ee aan wax ugu darsano.

Waxaan ka digayaa in masiibadaa Waaheen ka dhacday noqon mid ina kala qaybisa, balse noqoto mid sidii caadadu inoo ahayd muujisa dhaqankii iyo ficilkii lagu yaqiin Somaliland ee ahaa in loo midoobo wixii danta guuda, meelna looga soo wada jeesto,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyi jiray dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version