Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaDoon U Rarnayd Ganacsade Reer Somaliland Ah oo Gubatay

Doon U Rarnayd Ganacsade Reer Somaliland Ah oo Gubatay

Doon ganacsi oo u rarnayd ganacsade Rashiid Ibraahin Ciise oo reer Somaliland ah, ayaa dab qabsaday kadibna dagtay xili ay rar kasoo qaaday magaalada Cadan ee dalka Yemen kuna socotay dekedda Berbera.

Cali Ducaale oo ah mulkiilaha doonta oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in doonta uu dab qabsaday maqribkii Isniinta, isla markaana markii loo gurmaday ee la bakhtiiyay dabkii, ay biyo soogaleen oo ay dagtay.

“Waxay 6:00 PM abaaro afuradii Yementa ayay kasoo baxday magaalada Cadan, iyada oo kusoo jeeda dekedda Berbera, doonta dab ayaa qabsaday, Yemen ayaanu la xidhiidhnay si loo bad baadiyo ka bacdi markaanu qayla dhaanta ka helnay doonta in ay gubanayso, way isku dayeen in ay doonta bakhtiiyaan lakin dabkii wuxuu gaadhay xaga hoose, taasina waxay kaliftay in ay biyihii soo galaan marka way dagtay” ayuu yidhi Ducaale.

Doontan ayaa siday bagaash kala duwan oo iskugu jira caano, subag iyo alaabooyin kale, kuwaasi oo gabi ahaanba ku shufbeelay isla markaana ay doontu la dagtay markii ay burburtay.

“Doonta iyo xoolaha saaranba Somaliland ayaa laga leeyahay, doonta waxa lahaa anigaygan kula hadlaya ee Cali Ducaale ah, xoolaha saarana waxaa lahaa ganacsade Rashiid Ibraahin Ciise oo Somalilander ah, hantida doonta saarnayd waa, 20,000 oo kartoon oo subag ah, 7000 oo kartoon oo Caano Yemeni ah, 5000 oo kortoon oo ahaa fiinto iyo alaabooyin kale” ayuu yidhi Ducaale.

Ducaale ayaa hantida ku burburtay doontay ku qiyaasay ilaa milyan badhkii oo dollar “Xoolaha doonta saarnaa kama yarayn 500,000 ama 600,000 oo dollar”.

Dabka ayaa sannadka hanti badan ka galaaftay ganacsada reer Somaliland, waxayna dhacdadani imanaysa, iyadoo lala daala dhacayo kasoo kabashada dabkii waynaa ee burburiyay suuqa Waaheen ee Hargaysa, masiibadaasi oo lagu wayay hanti lagu qiyaasi ilaa 2 bilyan oo dollar.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version