Friday, March 24, 2023
HomeWararkawaxay ugu baaqday Wasiirrada Maaliyadda ee Jabuuti, Itoobiya Iyo Soomaaliya Inay Ixtiraamaan...

waxay ugu baaqday Wasiirrada Maaliyadda ee Jabuuti, Itoobiya Iyo Soomaaliya Inay Ixtiraamaan Madax-b

Hargeysa (Geeska) – Dawladda Somaliland, ayaa gaashaanka u daruurtay Qorshe uu soo bandhigay Wasiirka Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale.

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale, ayaa Qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka, wuxuu ku sheegay in saddexda Wasiir Maaliyadeed ee Dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya ay ka wada shaqaynayaan sidii muwaacimo deg-deg ah loogu raadin lahaa suuqa Waaheen ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ee gubtay.

Laakiin, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo hadalkaa Wasiirka Maaliyadda Jabuuti kaga jawaabay isla Twitter-ka, ayaa sheegay in Somaliland mar horeba la xidiidhay cid kasta oo gacan ka geysan karta dib u dhiska suuqa Waaheen iyo Taageerada dadkii ganacsatada ahaa ee khasaaruhu ka soo gaadhay.

Wasiirka Ciise Kayd Maxamuud, ayaa wasiirrada Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya ku bogaadiyey Inay is xil-qaameen, balse aanay Somaliland waxba uga baahnayn, sidaasi darteedna wuxuu u soo jeediyey inay ixtiramaan Madax-bannanida iyo dawladnimada Somaliland.

Wasiir Kayd wuxuu sheegay in Somaliland aanay Dawladaha Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya  uga baahnayn inay arrimaheeda faro-geliyaan, isla-markaana loo baahan yahay in Somaliland loo daayo arrimaheeda iyo siday u maaraynayso khasaaraha soo gaadhay Suuqa Waaheen iyo ganacsatada reer Somaliland.

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti iyo Cid kale oo ka tirsan Dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya Weli kama hadal jawaabta adag ee Somaliland ku diiday qorshahooda, kaasi oo u muuqda mid meel ka dhac ku ah Madax-banaanida Somaliland.

Todobaadkii hore, waxa Magaalada Hargeysa socdaal ku yimid Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide, Wefti ka socday Jamhuuriyadda Jabuuti, halka Dawladda Soomaaliyana ay Somaliland u soo dirtay lacag ka badan 12 Milyan dollar, taasi oo hore baanka Adduunku ugu deeqay Somaliland, balse Dawladda Farmaajo u xayirtay dano siyaasadeed

Xigasho: Geeska Afrika

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)