Haldoornews.com
Soo Dhawayntii Waftiga Agaasimaha Wakaalada Qurbajoogta Somaliland ee Germany.
December 26, 2021 - Written by admin

Jaalliyada Somaliland ee Dalka jarmalka ayaa Kullan Casho sharaf ah magaalada Darmstadt kula Qaatay Agaasimaha Wakaalada Qurbajoogta Somaliland Sacad Maxamed Gado iyo Gudoomiyaha Sarifleyaasha  Somaliland Barkhad Axmed Coofle oo Safar Shaqo ku soo Gaadhay Dalka Jarmalka.

Kullankan oo ahaa isxogwaraysi Dhexmaray Waftiga Somaliland iyo Masuuliyiinta Jaalliyada oo uu Wehelinayo Wakiilka Somaliland ee Dalka Jarmalka Mustafe Yusuf Ismaaciil ayaa laga Hadlay sidii Xal loogu heli lahaa Khilaafaadka Jaalliyadaha Somaliland ee mararka qaar Soo noqnoqda iyo sidii loo Xoojin lahaa isku diibnida iyo Waxwada Qabsiga Dadka reer Somaliland ee  Dalkan jarmalka degan.

COMMENTS
Arimaha Diinta