Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaKooxda Shirkadda Somtel Oo Ku Guulaysatay Tartanka Kooxaha Gobolka Saraar

Kooxda Shirkadda Somtel Oo Ku Guulaysatay Tartanka Kooxaha Gobolka Saraar

Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Jamhuuriyada Somaliland ayaa ka qayb galay munaasibad lagu soo gebo gebayn tartanka ciyaaraha kooxaha heerka kowaad ee gobolka Saraar oo lagu qabtay magaaladda Caynaba ee xarunta gobolka Saraar.

Munaasibadan lagu soo gebo gebaynaayey tartanka ciyaaraha kooxaha heerka kowaad ee gobolka Saraar waxa ka qayb galay Wasiirka wasaaradda Caddaalada Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed iyo wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

Xubno kamid ah masuuliyiinta gobolka Saraar iyo kuwa degmada Caynaba, waxaana ugu horeyn munaasibadaasi ka hadlay isu duwaha wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha ee gobolka Saraar Xuseen Axmed Cawad ayaa sheegay in koobkan ay maalgelisay wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland ,waxaanu cadeeyey in tartankan mid lamid ahi uu ka socdo goboladda Daad-Madheedh,Hawd iyo gobolo kale oo goboladda Somaliland kamid ah.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Garsoorihii tartankan hagaayey mudadii uu socday,Maayirka degmada Caynaba iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka Saraar.

Waxaanay tilmaameen in ciyaaruhu ay yihiin ka hortag lagaga hortegi karo aafooyinka Qabyaaladda iyo tahriibka.

Iyaga oo balan qaaday in ay gacan weyn ka geysan doonaan gacan qabashada dhalinyaradda iyo ka qayb qaadashada qabashada tartamada Kubada Cagta.

Dhinacoodana wasiirrada Wasaaraddaha Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo Saleebaan Warsame Guuleed, oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyey Kooxaha Heerka kowaad ee ka dhisan magaaladda Caynaba.

Sida ay uga qayb qaateen tartankan,waxaanay balan qaadeen wasiirradu in ay si shakhsi ah ugu qaban doonaan kooxahan tartan kale.

Koobka Kooxaha Heerka kowaad ee gobolka Saraar waxa ku guulaystay kooxda ku ciyaarta magaca shirkadda Somtel oo iyada koobkan la guddoonsiiyey.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)