Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaKhasaaraha Ka Dhashay Qarax Galabta Muqdisho Ka Dhacay

Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Galabta Muqdisho Ka Dhacay

Inta la xaqiijyay ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriooday tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax galabta ka dhacay isgoyska Banaadir ee magaaladda Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu soo waramayaa in lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo ay wateen ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya oo halkaasi marayay xiliga qaraxa lala eegtay.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in qaraxani uu ahaa baabuur Walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala eegtay kolonyada AMISOM, ee marayay isgoyska Banaadir gaar ahaan meel ku dhaw xarunta Villa Baydhabo.

Dad goob joogeyaal ahaa oo ka ag dhawaa halka qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay inay arkayeen ilaa saddex qof oo ku dhintay qaraxaas, iyo kuwo kaloo dhaawac ahaa.

Qaraxani ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay khasaare kala duwan, marka loo eego baaxadiisa, iyadoona jugta qaraxaasi laga meel fog laga maqlayay.

Geesta kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca haayadaha amniga ee dawladda federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale maamulka gobolka Banaadir, oo la xidhiidha khasaaraha dhabta uu gaystay qaraxaas.

Qaraxan galabta ka dhacay Muqdisho ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay maanta taliyayaasha amniga iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ay safar dhinaca dhulka ah ku tageen magaaladda Balcad.

Dhinaca kale ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxani, sida lagu sheegay war lagu baahiyay warbaahinta taageerta Al Shabaab.

Waxaanu warkaasi lagu sheegay in weerarka loo adeegsaday gaadhi walxaha qaraxa laga soo buuxiyay oo uu waday qof naftii horu ahaa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)