Thursday, March 28, 2024
HomeWararka“Haddii aynu diinta islaamka ku dhaqanno wax waliba way inoo hagaagayaan

“Haddii aynu diinta islaamka ku dhaqanno wax waliba way inoo hagaagayaan

Ganacsadaha caanka ah ee reer Somaliland Axmed Daahir Cumar (Baxsane), ayaa ugu baaqay xukuumadda iyo bulshadda Somaliland ba in si buuxda loo qaato ku dhaqan shareecadda diinta islaamka.

Waxaanu ku taliyay xaaji Baxsane, in ay muhiim tahay ku dhaqanka diinta islaamka, isla markaana ILLAAHAY SWT laga baqo, taasoo inoo hor seedaysa in wax waliba inoo hagaagaan.

Isagoona xusay in haddii aan la adkaynin ku dhaqanka diinta islaamka in wax kastoo horumar ama dawladnimo ah oo la sameeyaa uu aakhirka baaba’ayo, isla markaana aanu barako yeelanaynin.

Xaaji Axmed Daahir Cumar (Baxsane), waxa uu sidan ka sheegay munaasibad ay dawladda hoose ee Hargaysa ku dhagax dhigaysay dhismaha waddo laga hirgelinayo caasimadda Hargaysa.

Waxaanu isla goobtaasi ka balan qaaday Xaaji Baxsane, in ay ka shirkad ahaan kaga qayb qaadanayaan lacag dhan $15000 oo dollar.

Isagoona Xaaji Baxsane, si weyn carrabka ugu adkeeyay  Marka koowaad wax walba aynu ka horaysiino ku dhaqanka shareecadda ee diinta islaamka.

DAAWO: Xaaji Baxsane Oo Arrimahasi Ka Hadlaya:

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version