fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaXoghayaha Ganacsiga Ee Xisbiga Wadani Oo Looga Yeedhay Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex...

Xoghayaha Ganacsiga Ee Xisbiga Wadani Oo Looga Yeedhay Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Iyo Xogaha Laga Helayo Cida Soo Dacwaysay!

Xoghayaha Ganacsiga iyo warshadaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee wadani Xamse Cabdiraxmaan Khayre Ayaa Looga yeedhay maxkamada gobolka maroodi jeex in uu Horyimaado Maalinta bari ah sida ku cad qoraal lasoo Gaadhsiiyay xoghayaha Oo kazoo baxay maxkamada gobolka maroodi jeex, wallow aanay ku cadayn eedaha loo haysto iyo cida soo eedaysan toona.

Xoghaye Xamse Khayre oo ka hadlay qoraalka Amarka yeedhmada ah ee kasoo Gaadhay Maxkamada gobolka maroodi jeex ayaa sheegay in aan loo sheegin cida soo dacwaysay ismarkaana lagu wargaliyay in dacwadu tahay mid madaniya balse aan wax faah faahin ah laga siinin.

Dhanka kale Xogaha laga helayo yeedhmada maxkamada gobolka maroodi jeex ee xoghayaha ganacsiga iyo warshadaha ee xisbiga wadani xamse cabdiraxmaan khayre ayaa sheegaya in ay soo dacwayeen shirkado kuwa diyaaradaha kamid ah oo dhibsaday hadal uu dhawaan kaga hadlay shirkada fly dubai oo cadaadis la saaray darteen ujoojisay duulimaadyadii ay u iman jirtay caasimada Somaliland ee hargaysa.

Sidoo kale xogaha laga helayo cida soo dacwaysay xoghayaha ganacsiga ee xisbiga wadani ayaa intaa ku daraya  in dacwadiisa uu dhibane ka yahay wasiirka wasaarada ganacsiga Somaliland maxamuud sacad saajin oo dhibsaday isna arimo uu xoghaye xamse khayre kaga hadlay kor ukaca qiimaha shidaalka iyo shirkada trafugura ee xukuumadu ku wareejisay keenista shidaalka, nidaam aan waafaqsanayn sharciga dalka islamarkaana Aan lasoo marin Golaha wakiilada jsl heshiishka ay xukuumada la gashay shirkadan, taasi oo uu xoghayaha wadani wasiirka ku dhaliilay xakamayn la,aanta kor ukaca qiimaha shidaalka iyo miciishada, wallow uu wasiir saajin  dhankiisa uu si qaawan uweeraray xisbiyada mucaaridka iyo xoghayayaasha dhiilala shaqada xukuumada kuwaasi oo uu ku tilmaamay kuwo loo samaysay cayda xukuumada.

Sikastaba ha ahaatee yeedhmada maxkamada gobolka maroodi jeex ee xoghayaha xisbiga wadani ayaa bulshada ka bixiyeen dareeno kala duwan kuwaasi oo laga shaki qabo in ay ku xeeran yihiin talaabooyin lala damacsan yahay masuulkan ismarkaana looga dan leeyahay sidii loogu cabsi qalin lahaa ismarkaana looga duwi lahaa ka hadalka tabashada shacabka iyo siyaasada xukuumada kulmiye oo iyadu mudooyinkii udanbeeyay bilowday sidii ay ganacsiga dalka cid gaara kooto loogu xidhi lahaa taasi oo ka hor imanaysa dastuurka Somaliland iyo qawaaniinta ganacsiga xorta ah ee dalka.

Waxaase laga war sugu doonaa waxyaabaha kazoo baxa maxkamada gobolka maroodi jeex ee maalinta bari ah uu xoghayaha ganaciga iyo warshadaha ee xisbiga wadani hor tagi doona eedaha loo haysto ee ay soo hor dhigto.

HALKAN KA AKHRI WARQADA YEEDHMADA EE MAXKMADA XOGHAYE XAMSE;

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)