fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaSomaliland: Wasaaradda Deegaanka Oo Diiwaan Gelinaysa Duur Joogta Shacabku Haystaan

Somaliland: Wasaaradda Deegaanka Oo Diiwaan Gelinaysa Duur Joogta Shacabku Haystaan

Wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa bilawday tiro-koon lagu samaynayo noocyadda kala duwan ee duur joogta lagu haysto hudheeladda iyo meelaha kale ee magaalooyinka dalkoo dhan.

Waxaanay diiwaangelintaasi ka bilaabaysaa wasaaradu afarta gobol ee Maroodijeex, Awdal, Saaxil, iyo Togdheer, kuwaasoo la soo diiwaangelin doono dhamaanba wixii duur joog ah ee ay shacabku haystaan.

Hawshani tiro-koobka duur joogta ay dadka shacabka ahi haystaan waxaa ka warbixiyay wasiirka deegaanka Shurki Xaaji Ismaaciil Baandare, iyo agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka C/naasr Xuseen Siciid, oo si wada jir ah shir jaraa’id u qabtay.

Waxaana fulin doonta diiwaangelinta xayawaankaasi ay dadka shacabka ahi haystaan waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka Somaliland oo uu hogaaminayo agaasimaha waaxda duur joogta C/naasr Xuseen Siciid.

Tiro-koobkaasi ayaanay wasaaradda deegaanku ka bilawday gobolka Maroodijeex, halka ay isla maantana wasaaraddu ugu gudubtay gobolka Awdal oo ay ka bilawday diiwaangelinta duur joogta.

iyadoo ay magaaladda Boorama gaadheen wefti uu hogaaminayo agaasimaha waaxda duur joota iyo xubno isugu jira dhakhaatiir iyo masuuliyiin kale.

Sida uu noo xaqiijiyay C/naasr Xuseen Siciid, agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka Somaliland isagoo ku sugan magaaladda Boorama.

Diiwaangelinta duur joogta waxaa Awdal, iyo maroodijeex ku xigi doona goboladda Saaxil iyo Togdheer oo iyagana la is raacin doono, sida ay sheegtay wasiirka deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Iyadoo ka duulaysa xeerka ilaalinta duur joogta iyo kaymaha ee Somaliland ee Xeer Lanbar. 69/2015, kaasoo wasaaradda faraya in ay ka war hayso hadba tiradda iyo xaaladda duur joogta.

Sidoo kale waxaa jirtay wareegto ay wasiirka deegaanku hore u soo saartay oo ahayd in la diiwaangeliyo dhamaanba noocyadda duur joogta ay ee ay dadka shacabka ahi haystaan.

Geesta kale wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa duur joogta ay dadka shacabka ahi haystaan diiwaangelisay sanadkii 2018-kii, halka sidoo kalena ay  2019-kiina hubin lagu soo sameeyay tiradda duur joogta ay dadku haystaan.

DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee Agaasimaha iyo Wasiirka:

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir