Friday, March 24, 2023
HomeWararka“Waxaan iska xil saarnay sidii loo dhisi lahaa kalsoonida shacabka iyo booliska”…

“Waxaan iska xil saarnay sidii loo dhisi lahaa kalsoonida shacabka iyo booliska”…

 

 

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland ayaa si qoto dheer u sharraxay sida uu taliye ahaan xilka isaga saaray sidii loo dhisi lahaa kalsoonida wada-shaqayneed ee ka dhaxaysa ciidanka iyo dadka shacabka ka ah.

Waxaanu sheegay in mudadii uu xilka hayay si weyn dib ugu habeeyeen ciidanka Booliska, isla markaana ay ku soo dareen dhallinyaro aqoonyahanno ah oo la tallaabsata Tignoolajiyadda casriga ah.

Kuwaasoo khubaro ku ah hababka loo baadho danbiyadda ee wakhtigan casriga ah dambiyada kala duwan maanta loo fuliyo.

Sarreeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), waxa uu sidan ka sheegay hadal uu maanta ka jeedinayay munaasibad balaadhan oo lagu xusayay 28 guurrada ka soo wareegtay aasaaska ciidamadda booliska Somaliland.

Taliye Dabagalle, waxa kaloo uu sheegay in sanadkii 2020-kii ay dejisteen qorshe ay ku hawl gelayaan  muddo shan sanadood ahayd marka laga soo bilaabo sanadkaasi, kaasoo ka koobnaa todob qodob.

Qorshahaasi ayuu tilmaamay taliyuhu in ay ku cadeeyeen waxa ay ciidanka boolisku qabanayaan shantaa sanadood oo ka soo bilaabmaysay sanadkii 2020-kii.

Sarreeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), waxa uu sheegay in qorshaasi qodobkiisa u horeeyaa uu ahaa in la dhiso kalsoonidda ka dhaxaysa booliska iyo bulshadda.

 

DAAWO: Taliye Dabagalle Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)