fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaPuntland lagama filayn la yaab ayaanay nagu noqotay colaad uguma hayno”…

Puntland lagama filayn la yaab ayaanay nagu noqotay colaad uguma hayno”…

: Madaxweynaha Somaliland ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay tallaabadii uu dhawaan ku kacay baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ee ay ku dalbanayeen in Somaliland lagu darro liiska kooxaha argagixisadda ah.

Waxaanu sheegay in aanay ilaa hadda garanaynin sababta ay arrintaasi ku keeneen baarlamaanka maamulka Puntland, balse taa bedelkeeda in Somaliland ay jeceshahay in ay Puntland kula noolaato deris wanaag iyo walaalnimo.

Hadalkan madaxweynaha Somaliland ayaa jawaab u noqonaya soo jeedin ay dhawaan sameeyeen baarlamaanka maamul goboleedka Puntland oo ay ku dalbanayeen in Somaliland lagu darro liiska kooxaha argagixisadda ah.

Taasoo ay ku sababaynayeen tallaabadii ay bishii hore xukuumadda Somaliland magaaladda Laascaanood kaga saartay dad aan u dhalan Somaliland gaar ahaana kuwa ka soo jeedda koonfurta Soomaaliya.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa carrabka ku adkeeyay in dhawaaqaasi aanay ka filaynin Puntland, isla markaana ay Somaliland jeceshahay in Soomaaliya nabad loo raadiyo oo ay iyagu gudahoodda ka heshiiyaan.

Madaxweyne Biixi, ayaa ugu baaqay maamulka Puntland in ay nabad ku wada noolaadaan oo ay noqdaan laba dal oo deris ah oo aan kala maarmaynin, waxyaabo badan na wadaaga.

Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidan ka sheegay khubad uu maanta ka jeediyay xuska aasaaska maalinta ciidamadda booliska Somaliland oo uu maanta kaga qayb galay magaaladda Hargaysa.

Geesta kale madaxweynaha Somaliland waxa uu ka hadlay xaaladaha colaadeed ee waayadan danbe ka aloosan wadamadda gobolka Geeska Afrika, kuwaasoo ay ka mid yihiin dagaaladda ka socda dalka Itoobiya.

Muuse Biixi, waxa kaloo uu sheegay in wakhtigan la joogo gobolka Geeska Afrika marka la eego Afrika inteedda kale inuu yahay gobolka ugu liita dhinacyadda dhaqaalaha, iyo saamaynta isbedelka cimiladda adduunka.

Waxaanu ku baaqay in dadka ku dhaqan guud ahaanba Geeska Afrika, ay waajib ku tahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo nabadda, iyo dhibaatooynka uu u keenay isbedelka cimiladu.

Isagoona xusay in ay u wanaagsan tahay dalalka Geeska Afrika sidii loo raadin lahaa in iskaashi laga wada yeesho wax ka qabashadda dhibaatooyinkaasi.

Dhinaca kale madaxweyne Biixi, waxa uu sheegay in Somaliland ay ku dedaalayso sidii ay u sii xoojin lahayd nabadgeliyadeedda, isla markaana ay nabadda horseed ugu noqon lahayd gobolka iyo caalamkaba.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)