fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaTanaasulka Jirde iyo Caydhinta Xaashi Saamayn Ma Ku Yeelan Kartaa Waddani iyo...

Tanaasulka Jirde iyo Caydhinta Xaashi Saamayn Ma Ku Yeelan Kartaa Waddani iyo Kulmiye

Dhawaan ayay si buuxda u soo shaac baxday in aan wax boos ahi uga banaanayn xisbiga Waddani siyaasi Maxamuud  Xaashi Cabdi, oo marka hore ka tirsanaa xisbiga Kulmiye.

Balse aan saaxadda xisbiga Kulmiye lagu arag tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu taladda wadanka qabtay madaxweyne Muuse Biixi.

Siyaasi Maxamuud Xaashi, ayaana waayadan danbe waxa aad loogu tirinayay inuu ka mid noqonayo xisbiga Waddani, inkastoo aanu si cad u shaacinin in uu xisbiga Kulmiye ka baxay.

Hase yeeshee rejadii uu ka qabay inuu Waddani ku biirro ayaa soo af-jarantay todobaadkan, kadib markii uu xisbiga Waddani hogaanka sare  u qaatay Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ay Maxamuud Xaashi isku beel yihiin.

Sidoo kale waxaa isla maalmahaasi uu xisbiga Kulmiye shaaciyay in xilkii iyo xubinimadii Kulmiye laga saaray Maxamuud Xaashi.

Hadaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa warbixin arrimahaasi ku saabsan oo oo diyaariyay weriye C/rasaaq Good.

Waxaanay warbixintaasi diiradda saari doontaa qodobo ay ka md yihiin, Tanaasulka Jirde  iyo Caydhinta Maxamuud Xaashi saamayn intee leeg ayey ku yeelan karta mustaqbalka siyaasadeed ee xisbiyada Waddani iyo Kulmiye?

Kulmiye oo dejiyey qorshe uu ku nagaynayo taageerayaasha ka sii hayaamaya ee bariga Burco.

Xisbiga Waddani oo wali ka dhursugaya saamaynta kaga soo noqonaysa tanaasulka Cabdiqaadir Jirde.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)