fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaGoob Joogeyaashii Caalamiga ahaa Oo Bogaadiyay Doorashooyinkii Somaliland

Goob Joogeyaashii Caalamiga ahaa Oo Bogaadiyay Doorashooyinkii Somaliland

G

oob joogeyaashii caalamiga ahaa ee kormeerayya doorashooyinkii Somaliland ka dhacay bishii May ee sanadkan ayaa si weyn ugu amaanay Somaliland qabashadda doorashooyinkaasi oo ay ku tilmaameen mid calaamad muhiim ah u noqotay dimoqraadiyadda Somaliland.

Waxaanay ku bogaadiyeen Somaliland in qabashadda laba doorasho oo isku sidkanaa ay muujinayso horumar dimoqraaddiyadeed oo ay gaadhay Somaliland, isla markaana tusaale fiican u ah wadamadda Afrika.

Goob joogeyaasha caalamiga ah waxa kaloo ay Somaliland ku amaaneen in labadaasi doorasho ee isku marka la qabtay ay u dhaceen si nabadgeliyo ah, isla markaana daneeyeyaashu u aqoonsadeen qaar lagu kalsoon yahay.

Taasoo ay ku tilmaameen mid ku yar in ay ka dhacdo dalalka Afrika, iyadoo ay tahay wax loo dabaal-dego in Somaliland ay sii waddo qabashada doorashooyinka.

Sidaasina waxaa lagu sheegay warbixin hor dhac ah oo ay soo saareen goob joogeyaashii caalamiga ahaa ee  kor joogtaynayay doorashooyinkii Somaliland sanadkan ka qabsoomay.

Warbixintaasi oo uu soo saaray Professor Michael Walls, oo ka tirsan qaybta qorshaynta horumarka, ahna madaxa goob joogeyaashii caalamiga waxa kaloo uu doorashadii Somaliland ku amaanay in markii u horaysay ay beelaha la haybsooco xubno ku yeesheen golaha baarlamaanka.

Warbixintaasi ayuu Mr. Michael Walls, waxa uu ku yidhi “Iyadoo doorashooyinkaasi ay u taagan yihiin horumar dimoqraaddiyadeed, hadda na waxaa la qabtay 11 sannadood ka dib wakhtigii loo qorsheeyay in ay dhamaato muddada Baarlamaanku, iyo weliba saddex sannadood ka dib markii ay dhamaatay muddadii golaha deegaanku.

Waa war wanaagsan in doorashooyinku u dhaceen si nabadgeliyo ah, isla markaana daneeyeyaashu u aqoonsadeen qaar lagu kalsoon yahay.

Si kastaba ha ahaatee, si ku yar dalalka Afrika, hal qof oo Haween ahi kumay soo bixin doorashadda Baarlamaanka.

Tani waa mid dhaawac ku ah dimoqraadiyadda, weliba ah tallaabo dib loo qaaday marka loo eego doorashooyinkii hore, iyadoo marka hore ba ay yarayd heerka metelaadda haweenku.

Iyada oo ay tahay wax loo dabaal-dego in Somaliland ay sii waddo qabashada doorashooyinka, hadda na waxaa la gaadhay xilligii laga baaraan-degi lahaa in la hello dariiqyo lagu adkeeyo hab-raacyada jira ee doorashada soo socota, taasoo la filayo in ay qabsoonto sannadka 2022 -kaiyo kuwa ka sii danbeeya ba”.

Waa war wanaagsan in doorashooyinku u dhaceen si nabadgeliyo ah, isla markaana daneeyeyaashu u aqoonsadeen qaar lagu kalsoon yahay.

Si kastaba ha ahaatee, si ku yar dalalka Afrika, hal qof oo Haween ahi kumay soo bixin doorashadda Baarlamaanka.

Tani waa mid dhaawac ku ah dimoqraadiyadda, weliba ah tallaabo dib loo qaaday marka loo eego doorashooyinkii hore, iyadoo marka hore ba ay yarayd heerka metelaadda haweenku.

Iyada oo ay tahay wax loo dabaal-dego in Somaliland ay sii waddo qabashada doorashooyinka, hadda na waxaa la gaadhay xilligii laga baaraan-degi lahaa in la hello dariiqyo lagu adkeeyo hab-raacyada jira ee doorashada soo socota, taasoo la filayo in ay qabsoonto sannadka 2022 -kaiyo kuwa ka sii danbeeya ba”.

 

“Doorashooyinka oo ku qabsoomay xaalado adag oo lagu jiray safmarka Covid-19 iyo Xeerka Guud ee doorashooyinka Somaliland iyo diiwaangelinta cod bixiyayaasha ayaa u tag naa horumar laga gaadhay jidka doorashooyinka Somaliland.

Waxaa jiray waxyaalo badan oo wanaagsan sida, doorashada mid ka mid ah “Beelaha laga tiradda badan yahay” oo loo doortay Baarlamaanka, horumarin lagu sameeyay xeerka doorashooyinka qaranka (marka laga tago in ay weli jiraan wax badan oo loo daayay in ay go’aan ka gaadhaan madaxda doorashooyinka iyo siyaasaddu), iyo xaqiiqda ah in tebinta warbaahintu ay guud ahaan ahayd mid loo aqoonsaday in ay ku dheehnayd dhexdhexaadnimo iyo masuuliyad.

Sidoo kale waxaa muhiim ah in maalintii doorashada iyo intii ka danbaysay ba ay ku dhamaatay si nabadgeliyo ah, iyadoo weliba dadweynaha reer Somaliland ay mar kale u soo baxeen iyaga oo u hammuun qaba in ay codeeyaan”.

Dhinaca kale goob joogeyaasha caalamiga ah ayaa warbixintoodan waxay ku soo jeediyeen tallooyin ay muhiim tahay in lagu dhaqmo si loo tayeeyo hanaanka doorashooyinka Somaliland.

“Si kastaba ha ahaatee, waxa kale oo jira qaybo ka mid ah hannaanka doorashada oo u baahan in la tayeeyo amma la horumariyo si loo hanto hal-beegga caalamiga ah, gaar ahaan hannaanka diiwaangelinta codbixiyuhu waa mid adag oo xaddidaya codbixiyayaasha.

Mar haddii aanuu jirin tiro-koob rasmi ahina, ma qeexayo qiyaas sugan oo sheegaysa codbixiyayaasha isu-diiwaangeliyay inay codkooda dhiibtaan.

Intaas waxa sii dheer,  goobjoogeyaasha Caalamiga ahi waxay ku baaqayaan saddex is beddel:

In wax laga beddelo nidaamka siyaasadeed ee xaddidaya in saddex xisbi oo keli ah loo oggol yahay in ay ku tartamaan doorashooyinka, kaasoo curyaaminaya metelaadda dimoqraaddiga ah.

In la helo shuruuc ay hagayaan reer Somaliland oo xaqiijinaya metelaadda siyaasadeed ee Haweenka; iyo in la helo ballan-qaad kale oo siyaasadeed oo ku saabsan jadwalka dastuuriga ah ee doorashada lagu heshiiyay si doorashooyinka soo socda loogu qabto wakhtigii loogu talagalay, meeshana looga saaro dhaqanka inta badan soo jiray ee dib u dhigista doorashooyinka Somaliland sidii horaba u dhacday.

Warbixinta ugu dambaysa ee goob joogeyaasha Caalamiga ahi waxay sidoo kele soo jeedinaysaa talooyin dheeraad ah, oo ay ka mid tahay kor u qaadista aqoonta cod bixiyayaasha iyo qarsoonida codaynta, tababar kii hore ka fiican oo la siiyo shaqaalaha goobaha cod bixinta, iyo kor u qaadista nidaamka tirinta iyo isu geynta codadka”.

Fiiro Gaar ah:

“Goobjoogeyaasha Caalamiga ahi waxay warbixinta ugu danbaysa ku daah-furayaan xaflad lagu qabanayo jaamacadda UCL taariikhdu marka ay tahay 1-da bishan November ee sanadkan 2021-ka. Xafladaasi waxa toos looga baahin doonaa bogga Facebook ee facebook.com/LIEOMSomaliland2021.

Goobjoogayaasha Caalamiga ah ee doorashooyinka waxa soo casuumay guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland iyaga oo lagu soo casuumay in ay yihiin Goob joogayaal Caalami ah oo madax bannaan si ay goobjoog uga noqdaan hannaanka doorashooyinka.

Goobjoogayaasha waxaa maal-geliyay dawladda Ingiriiska. Laakiin, waa qaar ka madax bannaan, qaab-dhismeedkooduna yahay mid caalami ah. Goob joogayaasha Caalamiga ah waxa isku soo dubbariday Qaybta Qorshaynta Horumarinta ee Jaamacadda UCL ee ku taalla London.

Goobjoogayaasha Caalamiga ahi waxay ku shaqaynayeen go’aamadii caalamiga ahaa ee Goob joognimada Doorashooyinka ee Caalamiga ah ee ay ansixisay Qaramada Midoobay sannadkii 2005-kii iyo iyaga oo awoodda saarayay dhexdhexaadnimada goobjoognimo.

Kooxda Madaxa bannaan oo ka koobnaa 12 goobjooge oo caalami ah kana kala socday dalalka Masar, Itoobiya, Faransiiska, Jarmalka, New Zealand, Afrikada Koonfureed, Ingiriiska, Maraykanka iyo Saambiya ayaa kormeeray ololihii iyo u diyaar garowgii doorashada toddobaadkii ka horreeyay doorashada, maalintii doorashada, codaynta, tirinta codadka iyo isu geynta natiijada ee goobo ka mid ah  Somaliland sida Hargeysa, Berbera, Burco iyo Boorame.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)