Friday, March 24, 2023
HomeWararkaWargeyska The Star Oo Wax Ka Qoray Wefti Somaliland ka socda Oo...

Wargeyska The Star Oo Wax Ka Qoray Wefti Somaliland ka socda Oo La Kulmay Beesha Caalamka.

Weftigii Somaliland ee uu hoggaaminaayay wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Ciise Keyd ayaa Nayroobi kula kulmay waddamada bahwadaagta ah ee horumarinta caalamiga ah, siduu daabacay wargeyska The Star.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland oo ay wehelinayaan wasiirrada horumarinta maaliyadda iyo qorshaynta ayaa la kulmay waddamada bahwadaagta ah ee Dheenmaarig, Fiinlaan, Jarmani, Holan, Iswidhan iyo Midawga Yurub. Wargeyska The Star oo soo xiganaya qoraal kasoo baxay safaaradda Somaliland ee Kiiniya ayaa sheegay in kulankaasi uu qayb ka ahaa dedaallada horumarinta ah ee Somaliland ay ku doonayso in xidhiidh cusub ay la yeelato saaxiibada Somaliland ee dibadda iyo dib u habaynta ay ku waddo siyaasaddeeda dibadda.

Wargeysku waxa kale oo uu intaas raaciyay in weftiga Somaliland ay u sheegeen waddamada ay la kulmeen rabitaanka xooggan ee Somaliland ee ah inay sii waddo ku dhaqanka mabaadi’da dimuqraadiyadda iyo qabashada doorashooyinka xor iyo xalaasha ah. Waddamada bahwadaagta ah ee Horumarinta caalamiga ah ayaa soo dhaweeyay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xisbiyada mucaaradka ah ay ka go’an tahay in la qabto doorashada madaxtinnimada ee 2022-ka.

Ugu dambayn, wargeysku waxa uu qoray in somaliland ay tahay dal madax bannaan oo xorriyaddiisii dib ula soo noqday, kaasoo si gooniya ay ula macaamilaan hay’adaha caalamiga ah ee ka taageera dhinacyada dimuqraadiyadda, horumarinta dhaqaalaha, gargaarka bani aadannimada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Weftiga Somaliland ee uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Ciise Kayd ayaa gaadhay dalka Kiiniya todobaadkii hore.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)