fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaShir Ku Saabsan Doorka Ganacsatadu Ka Qaadan karaan Bad-baadinta Deegaanka Oo Hargaysa...

Shir Ku Saabsan Doorka Ganacsatadu Ka Qaadan karaan Bad-baadinta Deegaanka Oo Hargaysa Lagu Qabtay

    

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka furtay shir dood wadaag ah oo la xidhiidha arrimaha deegaanka iyo doorka ay ganacsatadu ka qaadan karaan.

Shirkaasi oo ay wada jir u soo qaban qaabiyeen wasaaradda deegaanka Somaliland iyo haayadda UNDP ayay u jeedadiisu tahay sidii ganacsatadda dalku u fahmi lahaayeen ugana faa’iidaysan lahayd khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Kaasoo qayb ka ah mashruuca kobcinta awoodda laamaha dawladda si ay fuliyaan heshiisyadda caalamiga ah ee deegaanka gaar ahaana shuruucda ilaalinta deegaanka ee qaramadda midoobay.

Waxaanay UNDP iyo wasaaradda deegaanka oo iskaashanayaa doonayaan sidii ay shirkadaha waaweyn iyo ganacsatadda dalku qayb uga noqon lahaayeen meel marinta heshiisyadda caalamiga ah ee arrimaha deegaanka wacyigoodda guud na uu u kori lahaa.

Furitaanka shirkaasi waxaa ka soo qayb galay wasiirka deegaanka Shurki Xaaji Ismaaciil Baadare, oo si rasmi ah u furtay, madaxa mashruucyadda caalamiga ah ee haayadda UNDP Nabiil Yuusuf Cabdi.

Ku-simaha agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, qaar ka mid ah shirkadaha waaweyn oo ay ka mid tahaya Hass Petroleum, ganacsato iyo aqoon yahano ka socday jaamacadaha dalka.

Shurki Xaaji Ismaaciil Baandare, wasiirka deegaanka Somaliland oo shirkaasi furtay ayaa uga mahad celisay masuuliyiinta ka socday shirkadaha ganacsiga ee shirkaasi ka soo qayb galay, iyo siday wahtigoodda ugu soo hureen.

Waxaanay sheegtay wasiirku in muhiimadda ugu weyn ee ay wasaaradda deegaanka iyo haayadd UNDP ganacstadda ugu yeedheen ay tahay sidii la iskula fahmi lahaaisku dheeli tirka khayraadka dabiiciga ah iyo sida aynu uga faa’iidaysanayno khayraadka Somaliland yaalla.

Madaxa mashruucyadda caalamiga ah ee haayadda UNDP Nabiil Yuusuf Cabdi, oo isna furitaanka dood wadaagaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in u jeedadda shirkaasi ay tahay doorka ganacsatadu ku leeyihiin ilaalinta deegaanka.

Nabiil Yuusuf Cabdi, waxa kaloo uu intaas raaciyay in dood wadaagaasi mudada uu socdo lagaga hadli doono qaabka ugu haboon ee ganacsatadu u soo geli lahaayeen wax ka qabashadda xaalufka deegaanka ku dhacay iyo meelahaa ay wax ka qaban lahaayeen.

Geesta kale ku-simaha agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ayaa isna sharaxaad ka bixiyay u jeedadda shirkaasi dood wadaaga ah ee u dhexeeya wasaaradda deegaanka, UNDP iyo ganacsatadda waaweyn ee dalka.

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)