fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaUgaaska Guud Ee Beelaha Ciise Oo Lagu Soo Dhaweeyay Hargaysa

Ugaaska Guud Ee Beelaha Ciise Oo Lagu Soo Dhaweeyay Hargaysa

    

Ugaaska guud ee beelaha Ciise ugaas Mustafe ugaas Ibraahim, iyo wefti uu hogaaminayo oo booqasho ku jooga Somaliland ayaa maanta casuumad hadhimo sharafeed ah loogu sameeyay magaaladda Hargaysa.

Casuumadaasi hadhimo sharafeedka ah waxaa ugaaska beelaha Ciise ku maamuusay suldaan Maxamed suldaan Axmed, oo ka mid ah madaxda dhaqanka ee reer Somaliland.

Waxaana munaasibadaasi hadhimo sharafeedka ahayd ka soo qayb galay xubno ka mid ah golaha wasiirradda Somaliland, agaasimeyaal guud, masuuliyiin kaloo ka tirsan xukuumadda, iyo qaar badan oo ka  mid ah madax dhaqameedka Somaliland.

Suldaan Maxamed suldaan Axmed, oo isagu casuumadda u fidiyay ugaaska beelaha Ciise oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyaya madax dhaqameedkii kala duwanaa iyo masuuliyiintii xukuumadda ee kala qayb qaatay soo dhawaynta weftiga ugaaska Ciise.

Geesta kale ugaaska guud ee beelaha Ciise ugaas Mustafe ugaas Ibraahim, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa guud ahaanba dadkii soo dhaweeyay uga mahad celiyay sida aan kala hadhka lahayn ee ay u soo dhaweeyeen.

Dhinaca kale waxaa xafladaasi hadallo ka jeediyay xubno ka mid ah madax dhaqameedkii ka soo qayb galay oo si isku mid ah ugaaska beelaha Ciise ugu soo dhaweeyay Somaliland.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir