fbpx
Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaMuqdisho: Qodobadda ay Ku Heshiiyeen Farmaajo iyo Rooble

Muqdisho: Qodobadda ay Ku Heshiiyeen Farmaajo iyo Rooble

    

Khilaafkii ka dhex taagnaa madaxweynaha iyo raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa la sheegay in xal laga gaadhay.

Kadib dhex dhexaadin uu maalmahanba labadda masuul ka dhex waday madaxweynaha dawlad goboleedka Koonfur galbeed C/casiis Lafta Giriin, waxaa xalay la shaaciyay qodobo ay madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble ku heshiiyeen.

Qodobadda heshiiska ee lagu soo af-jaray khilaafka madaxda dawladda Soomaaliya ayaa ka koobnaa kix qodob.

Waxaanay u dhignaayeen sidan:

 

1. Iyada oo la tixgilinayo dib udhaca kuyimid jadwalka doorashooyinka ayaa madaxdu waxay isku raaceen in la dar dargeliyo howlaha doorashooyinka, waxeyna ugu baaqeen dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaliya in ay sida ugu dhaqsaha badan ku bilaabaan usbuucyada soo socda doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

2. In si dhaw ay u wada shaqeeyaan hay’adaha Amnigu iyaga oo xoogga saaraya adkaynta amniga iyo xasilloonida guud ee dalka xilligan xaasaasiga ah ee dalku ku jiro doorashooyinka, Lana xoojiyo ladaagallanka argagaaxisa ee Alshabaab.

3. In Wasiirka Aminiga Cabdullaahi Maxamed Nuur uu sii wato shaqadiisa si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

4. In Janaraal Bashiir Goobbe loo magacaabo Wasiiru Dowle.

6. Madaxda ayaa isku raacay in Yaasin Cabdullaahi Maxamuud (Farey) uu ahaado kusimaha Taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (HNSQ) inta Madaxweynahu uu soo marsiinayo Ra’iisul Wasaaraha Taliye iyo Taliye kuxigeen kadibna La soo marsiinayo Golaha Wasiirrada, si madaxweynuhu ugu soo saaro digreeto.

6. Madaxda ayaa isku raacay in kiiska Ikraan Tahliil Faarax loo daayo hay’adaha caddaaladda iyo garsoorka, waxaana la faray hay’adaha amnigu in ay gacan ku siiyaan.

Ugu danbayn, madaxda qaranku waxay umahad celiyeen Madaxweynaha Dowladgoboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo masuuliyiinta kale ee u dhabar adaygay sidii madmadowgii madaxda qaranka ka dhex jirey loogu dhammeyn lahaa Isfahan iyo afgarad, doorashaduna u socoto si habsami leh.

Madaxda waxa ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed sida ay uga xun yihiin walwalkii ay dareemeen maalmihii la soo dhaafay iyaga oo u ballanqaaday shacabka in si midnimo leh ay uga wada shaqayn doonaan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho hufan loona adkayn lahaa amniga guud ee dalka.

DHAMMAAD.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir