Friday, March 24, 2023
HomeWararkaWasiirka Macdanta Iyo Tamarta Jsl Oo Qaabiley Masuuliyiin Ka Socda Shirkada R.T.I...

Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Jsl Oo Qaabiley Masuuliyiin Ka Socda Shirkada R.T.I Oo Dalka Ka Fulinaysa Mashruuc Laydhka Tamarta ah.

Wasiirka Wasaarrada Macdanta iyo Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdilaahi Faarax Cabdi oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Mukhtar Maxamed Cali iyo Agaasimaha waaxda Tamarta Liibaan Mohamed Warfaa ayaa maanta oo khamiis ah xarunta Wasaaradda ku qaabilay masuuliyiin ka socda Shirkadda R.T.I oo Dalkeena ka fulinaysa mashruuca Power Africa oo ah mashruuc kor loogu qaadayo tayada iyo aqoonta Tamarta Somaliland, Isla markaana ay maalgelinayso Hay’adda Dalka Maraykanka u qaabilsan Mucaawimooyinka ee USAID.

Masuuliyiinta ka socda Shirkadda RTI oo dalka u yimi bilowga fulinta mashruucan lagu kobcinayo adeegyada Tamarta Somaliland ayaa muddo joogi doona dalka, iyagoo bixin doona tababaro la xidhiidha adeeg-bixinta Korantada oo la siin doono Shirkaddaha maamula Korantada dalka.

Kulanka qaabilaada Weftiga ka socda Shirkadda RTI waxa Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Md. Cabdilaahi Faarax Cabdi ku wehelinayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Md. Mukhtar Maxamed Cali, Agaasimaha Waaxda Tamarta ee Wasaaradda Liibaan Xaaji Maxamuud Warfaa iyo masuuliyiin kale.

Md. Cabdilaahi Faarax Cabdi Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland iyo Richard Morison oo ka socday Shirkadda RTI ee Somaliland ka fulinaysa mashruuca Power Africa oo shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda, ayaa shaaciyey in si rasmi ah dalka looga bilaabi doono mashruucan, iyadoo laga duulayo heshiisyadii hore loogu balamay.

Mashruuca Tamarta Afrika (Power Africa) ayaa ah barmaamuj lagu horumarinayo is-dhex-galka iyo wadaaga Tamarta ee wadamada Afrika, gaar ahaan dalalka Geeska Afrika, waxaanay ujeedadiisu tahay sidii ay wadamada gobolku isaga kaashan lahaayeen Khayraadka dhanka Tamarta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)