Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaSoomalida Ingiriiska Oo La Kulmay Nacayb Iyo Xadgudubyo Kadib Xildhibaankii Lagu Dilay...

Soomalida Ingiriiska Oo La Kulmay Nacayb Iyo Xadgudubyo Kadib Xildhibaankii Lagu Dilay London

Soomaalida ku nool Ingiriiska ayaa helay hanjabaadyo dil ah ka- dib markii xildhibaan dhawaan lagu dilay London loo xidhay nin Soomaali ah oo looga shakisan yahay inuu dilkaas ka dambeeyo.

Xarumaha jaaliyadaha Soomaalida Ingiriiska ayaa lasoo sheegayaa in lagu qasbay in la xidho, waxayna la kulmeen xadgudubyo nacayb ah, sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska The Times.

Kaahiye Caalim, oo ah agaasimaha Golaha Ururada Soomaalida, ayaa u sheegay wargeyska The Times in hanjabaada ka dhanka ah Soomaalida ay bilaabmeen isla markii ninka Soomaaliga ah loo xidhay falka dilka ee xildhibaanka.

“Waxaan maqalnay warar sheegaya in dadka lagu aflagaadeeyay tareenka London iyo waddooyinka, laguna yidhi ‘ku noqda gurigiinna, argagixiso ayaad tihiin,’” ayuu yidhi Caalim.

Golaha Muslimiinta Britain (MCB) ayaa ku dhawaaqay dadaallo lagu caawinayo Soomaalida Ingiriiska iyo guud ahaan bulshada Muslimka ah sidii ay ula tacaali lahaayeen nacaybka iyo xadgudubka ka dhashay dilkii xildhibaan Sir David.

Zara Mohammed, xog-hayaha guud ee golaha muslimiinta Britain, ayaa sheegtay in masaajidyada ku yaal Southend, oo uu Sir David ka ahaa xildhibaan, ay dilkiisa aad uga xumaadeen.

Booliiska la dagaalanka xagjirnimada ayaa weli ku howlan baadhitaanka kiiskaan, welina macluumaad dhameystiran kama ayna soo saarin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)