Friday, March 24, 2023
HomeWararkaMuqdisho: Rooble Oo Maamuusay Ergada Soomaaliya Ku Metalayay Kiiska Badda

Muqdisho: Rooble Oo Maamuusay Ergada Soomaaliya Ku Metalayay Kiiska Badda

    

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa munaasabad soo dhaweyn ah u qabtay Ergadii Soomaaliya ee Kiiskii difaaca Baddeenna.


Ergadaasi oo uu hogaaminayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).
Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo uu soo saaray xafiiska warbaahinta ee raysal wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixiyeen difaacan Qaran.
Isaga oo dul istaagay halgankii dheere ee lagu bixiyey sidii looga hor istaagi lahaa Kenya damaca ay ku doonaysay in ay ku qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa bogaadiyey isku duubnida shacabka Soomaaliyeed iyo sida wadajirka ah ay ugu istaageen dacwadda lagu difaacayey baddeenna.
Waxaanu tilmaamay in taas ay ka tarjumeyso biseylka iyo wadaniyadda ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha weheliyey ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha munaasabaddan maamuuska ah.


Iyagoo adkeeyey qorsheyaasha lagu sii ilaalinayo madaxbannaanida iyo qarannimada dalkeenna.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)