Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaLaascaanood: U Jeedadda Kulan Ay Wasiirro La Yeeshay Bulshadda

Laascaanood: U Jeedadda Kulan Ay Wasiirro La Yeeshay Bulshadda

    

Xubnaha weftiga wasiirrada Somaliland ee  ku sugan Laascaanood ayaa maanta kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshadda ku nool degmadda Laascaanood.

Kulankaasi oo ka qabsoomay hotel Casuur ee magaaladda Laascaanood ayaa lagaga hadlay qodobo kala duwan oo la xidhiidha is dhexgalka bulshadda iyo adkaynta arrimaha  amniga.

Kor u qaadista shaqada laamaha ammaanka iyo dar-dar gellinta wada shaqaynta dadweynaha iyo maamulka gobolka Sool.

Qabsoomidda kulanakasi waxaa ka taageertay maamulka gobolka Sool dalladda ay ku midaysan yihiin ururadda aan dawliga ah ee Somaliland ee magaceedda loo soo gaabiyo SONSAF.

Waxaana kulankaasi ka  soo qayb galay cuqaasha gobolka Sool, madax dhaqameedka, hal-doorka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda ku dhaqan gobolka Sool, gaar ahaan degmadda Laascaanood.

Agaasimaha haayadda SONSAF Mr. Anwar, oo daladoodu ay kulankaasi qayb ka ahayd ayaa ballan qaaday inay kala shaqaynayaan maamulka gobolka Sool kulamadda noocan ah, isla markaana ay gaadhi doonto dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Geesta kale weftiga dhinaca xukuumadda Somaliland ee   kulankaasi ka qayb galay waxaa ka mid ahaa wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin  Axmed, wasiirka Warfaafinta Saleeban Yusuf Ali Koore, wasiirka Gaadiid iyo Horumarinta Jiddadka  C/rasaaq Ibraahim Catoosh.

Taliyaha ciidamadda qaranka Somaliland General Nuux Ismaaciil Taani, taliyaha ciidamadda ilaaladda xeebaha Gen Xiirane, badhasaabka gobolka Sool, maayarka degmadda Laascaanood C/raxmaan Cali Ismaaciil, iyo Saraakiisha Ciidamadda ee kala duwan ee  amaanka.

Dhinaca kale kulankani ayaa qayb ka ah kulamo iyo shirar ay muddooyinkan ba bulshadda magaaladda Laascaanood la yeelanayeen weftiga heer qaran ee  ka socda xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed.

U jeedadda weftigaasi ay mudadda bil ku dhawaadka ah u joogaan Laascaanood ayaa la xidhiidha sidii wax looga qaban lahaa hawlo nabadgeliyo darro iyo dilal iyo falal kaloo waayadan ka dhacay Laascaanood.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)