fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaWasiirro Ku Sugan Laascaanood Oo Kulan La Yeeshay Isku-duweyaasha Laamaha Dawladda

Wasiirro Ku Sugan Laascaanood Oo Kulan La Yeeshay Isku-duweyaasha Laamaha Dawladda

    

Wefti wasiirro ah oo  ku sugan magaaladda Laascaanood ayaa maanta kulan la yeeshay dhamaanba isku-duweyaasha wasaarradaha iyo laamaha dawladda ee  ka hawl galla gobolka Sool.

Shirkaasi oo uu shir-guddoominayay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa laga arrinsaday ajandeyaasha kala duwan ee la xidhiidha amniga.

Kor u qaadista shaqada laamaha ammaanka iyo dar-dargellinta wada shaqaynta dadweynaha iyo golaha isu-duwayaasha  gobolka Sool.

Waxaana shirkaasi ka qayb galay dhamaanba isku-duweyaasha haayadaha dawladda ee gobolka Sool, wasiirradda arrimaha gudaha, xanaanadda xoolaha iyo kalluumaysiga,wasiirka Gaadiid iyo horumarinta jidadka, iyo gadhasaabka gobolka Sool.

Iyadoo intii uu socday kulankaasi lagu booriyay in isuduwayashu ay dar-dargelliyaan xidhiidhka ay la leeyihiin shacabka, maaddaama ay wada yihiin reer Sool, isla markaana looga hortago inay sii socdaan wixii wax yeeli kara amiga.

Sida uu sheegay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo qoraal kooban oo uu shirkaasi kaga hadlayay ku baahiyay bartiisa Facebook.

“Shirkan ayaa laga arrinsaday ajandyaasha kala duwan oo la xidhiidha amniga,  kor u qaadista shaqada laamaha ammaanka iyo dar-dargellinta wada shaqaynt dadweynaha iyo golaha Isu-duwayaasha  gobolka Sool.

Aragtiyo iyo talooyin badhi-taaraya ammaanka, midnnimada iyo dawladnnimad ayaa shirkan intii u socday aan ku gorfaynnay.

Waxaanan rejaynayaa in dhammaan qodobadii aan beegsanayn inaan dabakhno si ficilana looga dareemo magaallada iyo guud ahaan gobolka” ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

Badhasaabka oo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Kulanku intuu socday, waxaan boorinay in golaha isuduwayashu inay dar-dargelliyaan xidhiidhka ay la leeyihiin shacabka, maddaama ay wada yihiin reer sool  si isla markaana looga hortego inay sii socdaan wixii wax yeeli kara amiga” .

Dhinaca kale weftiga wasiirrada ah ee  ka socda xukuumadda Somaliland oo muddooyinkan ba ku sugan magaaladda Laascaanood ayaa kulamo la yeelanayay qaybaha kala duwan ee bulshadda magaaladda.

Kulamadaasi oo u jeedadda ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay sidii loo xaqiijin lahaa hawlaha amaanka ee magaaladda Laascaanood oo waayadan danbe ay ka dhaceen dilal is daba joog ahaa oo lala beegsaday masuuliyiin dawladeed, xildhibaanno iyo hal-doorka magaaladda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)