fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaSomaliland Oo Tirro-koob Ku Samaynaysa Dadka Barokaceyaasha ah

Somaliland Oo Tirro-koob Ku Samaynaysa Dadka Barokaceyaasha ah

    

Haayadda qoxoontiga iyo karoceyaasha qaranka ee Somaliland ayaa maanta goboladda dalka u kaa dirtay shaqaale ka hawl geli doona soo ururinta xogta dadka barokaceyaasha ah ee  ku kala nool xerooyinka dalka ku yaalla.

Xog ururintani waxaa ka qayb qaadanaya 68 qof oo shaqaale ah, taasoo u jeedadeedu tahay in lagu ogaado tiradda rasmiga ah ee tiradda dadka barokaceyaasha ah ee dalka ku nool.

Waxaana barnaamijkaasi fulintiisa gacan ka siinaysa haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaasha Somaliland haayadda caalamiga ah ee IOM oo ka mid ah haayadaha la shaqeeya.

Sidoo kale xog ururintani ayaa loogu tallo galay in la adeegsado marka la qaybinayo kaalmooyinka ay haayadda qoxoontigu siiso dadka barokaceyaasha ah.

Sida uu sheegay Maxamuud Yuusuf Cali, agaasimaha waaxda barokaceyaasha  ee haayadda arrimaha qoxoontiga ee Somaliland  “Barnaamijkani haayadda barokaceyaasha qaranka iyo haayadda OIM ay wada fulinayaan, u jeedooyinka ay ka leeyihiin waxaa ka mid ah, in lagu ogaado tiradda rasmiga ah, ee barokaceyaasha dalka ku nool.

Iyadoo haayadu u xilsaaran tahay in ay la socoto xaaladda guud ee dadka barokaceyaasha ah, iyo hadba tiradda rasmiga ah ee dadkaasi barokaceyaasha ah” ayuu yidhi Maxamuud Yuusuf Cali.

Goobtii lagu kala dirayay shaqaalaha ka hawl gelaya soo ururinta xogtaasi waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaasha,  masuuliyiin haayadaasi ka tirsan iyo Nuura-diin Aadan Cumar, oo ka socday haayadda IOM oo iyadu gacan ka siinaysa fulinta barnaamijkani haayadda barokaceyaasha qaranka Somaliland.

Shaqaalaha ka hawl gelaya xog ururintaasi ayaa ka hawl geli doona 20 degmo oo ka mid ah 23-ka degmo ee dalkan Somaliland waxaana tiro-koobkaasi lagu samayn doonaa dadka barokaceyaasha ah ee Somaliland u dhashay oo keliya.

Iyadoo isla saaka la kala diray shaqaalaha soo samaynaya xog ururintaasi iyo gaadiidkii ay raacayeenba,  Sida uu sheegay guddoomiyaha haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaasha ee Somaliland C/kariin Axmed Maxamed (Xinif).

Waxaanu yidhi “Waa xog qaranku leeyahay, oo qaranka u kayd noqonaysa.  Dadka qiimaynta lagu soo samaynayaa, waa dadka reer Somaliland ee barokaceyaasha ah.

Kuma jiraan, oo kama mid aha, dadka reer Soomaaliya  ee Somaliland degani kuma jiraan. Waa 20 degmo, oo ka mid ah 23-ka degmo ee dalka ayaanay ka dhici doontaa tiro-koobkaas. Gaadiidkani wuxuu u kala bixi doonaa dhamaanba goboladda Somaliland”.

Geesta kale waxyaabaha kale ee laga faa’iidayo waxaa ka mid ah in la hello sida ay ugu kala duwan yihiin addeegyadda nolosha aasaasiga u ah dadka barokaceyaasha ahi.

Sidoo kale marka la soo dhamaystiro xog ururintaasi lagu samaynayo tiradda iyo xaaladaha nololeed ee dadka barokaceyaasha ah waxaa lala wadaagi doonaa wasaarradaha iyo haayadaha dawladda ee ay khusayso.

Waxaanu qorshuhu yahay in xog ururintaasi ay socoto muddo bil iyo dheeraad ah, ida uu tilmaamay guddoomiye C/kariin Xinif, waxaanu yidhi  “Muddo bil ah ayaanay ugu yaraan socon doontaa xog ururintu. Qiimayn rasmi ah, iyo xog rasmi ah, oo qaranku leeyahay, oo kayd u noqota, oo wasaaradda qorshaynta iyo cida kale ee ay khusaysa na aan la wadaagi doono, ayaa la soo diyaarin doonaa”.

“Waxyaabaha anaga ka haayad ahaan, noo dheer, ee noogu hoos jira, waxaa ka mid ah, in aanu helno meelaha barokaceyaasha ah, addeegyadda bulshadda ee aasaasiga ah maxaa hella?

Maxaa ruggo cafimaad ku yaalla? Maxaa iskuullo ku yaalla? Dusgiyadaasi waa heerkee? Magaalooyinka inteebay u jiraan? Biyo siday u helaan? Cuntadda siday u helaan? Noloshoodda rasmiga ahi, waa sidee?

Sidee ayay u kala duruuf adag yihiin? Waxyaabaha noocaas ah oo dhan baanu doonaynaa in aanu soo ogaanno” ayuu yidhi C/kariin Xinif.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)