Baanka dhexe ee somaliland ayaa ku wargeliyay dhamaanba sarifleyaasha kala duwan ee ka hawl galla dalka in ay muddo laba todobaad ah liisamadoodda ku cusboonaysiistaan.
War-saxaafadeed ka soo baxay guddoomiyaha baanka dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu wargeliyay sarifleyaasha ee uu ka dhacay liisanka isku-bedelka lacagaha in ay cusboonaysiistaan.
Iyadoo loo qabtay in ay ka bilaabmayso mudadda cusboonaysiintu maanta oo ay bishu tahay 17-ka bishan October taasoo soconaysa ilaa 31-ka bishan October ee sanadkan 2021-ka.
Waxaana wargelintaasi lagu yidhi, “Waxa uu baanka dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland ku wargelinayaa dhamaanba sarifleyaasha dalka ka hawl galla, ee uu ka dhacay liisanka isku-bedelka lacagaha in ay ku cusboonaysiiyaan liisankoodda muddo laba todobaad ah, oo ka bilaabanaysa 17-ka bishan October ilaa 31-ka bishan October, ee sanadkan 2021-ka”.
War gelintaasi ku saabsan in ay sarifleyaashu liisamadoodd cusboonaysiistaan oo maanta soo baxday waxaa ku saxeexnaa guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali C/laahi Daahir.
Geesta kale waxaa war-saxaafadeedkaasi lagu sheegay in sarifleyasha mudadda loo qabtay ku cusboonaysiisan waaya liisamadoodda in Baanka dhexe ee Somaliland uu ka hakin doono dhamaanba addeegyadda isku-bedelka lacagaha.
“Baanka dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland waxa uu hakin doonaa, addeegga dhamaan isku-bedelka ee dhamaanba sarifleyaasha aan cusboonaysiisan liiska lacagaha, mudadda kor ku xusan” ayaa lagu yidhi wargelintaasi.