fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaXisbiga Dimuqraadiga Shacabka Somaliland oo Hambalyo u Diray Maalinta Shuhadda SNM ee...

Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Somaliland oo Hambalyo u Diray Maalinta Shuhadda SNM ee 17-ka October

    

Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdala ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Munaasibada Maalinta Geesiyaasha Qaranka Somaliland oo ah Xuska 37-Guurada Maalinta Shuhadada ee SNM.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay maalintani ka mid tahay in si weyn loo xuso oo waliba maalmaha fasaxa lagu daro isla markaana ku maalin qiimo weyn ku leh Shacabka Somaliland oo lagu tilmaamayo siday dhiigoodda iyo naftoodaba xoraynta dalka ugu hureen halgameyaashii SNM dagaaladii dalka lagaga xoraynayay xukunkii dhiig miiratadda ahaa ee Siyaad Barre.

Waxaan ilahay uga baryayaa in uu ka waraabiyo naxariistii janno inta dhimatay, inta noolna, umadda Somaliland waxa waajib ku ah in ay xurmo, xasuus iyo sharafba u hayaan dhammaan geesiyaashii naftooda u soo huray dalkeena”.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Mudane: Axmed Cabdala ayaa tilmaamay in xurmo iyo xasuus aan duugoobayn ay bulshadda Somaliland u hayso halgameyaashii ku geeriyooday dagaalkii dalka lagu xoreeyay.

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan geesiyaashii naftooda, maalkooda iyo maskaxdooda u soo huray dalka, ee uu ugu dambeeyey halgankii hubaysnaa ee SNM, maalinta Xuska Shuhadada ee 17 October darteed. Waxaanu u haynaa geesiyaashaa dhammaantood xurmo iyo xusuus aan duugoobayn”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)