Friday, March 29, 2024
HomeWararkaWasiirka Daakhiliga Oo Ka Hadlay Tallaabadii Laascaanood Lagaga Saaray Dadka Ka Soo...

Wasiirka Daakhiliga Oo Ka Hadlay Tallaabadii Laascaanood Lagaga Saaray Dadka Ka Soo Jeedda Soomaaliya

    

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa ka hadlay tallaabadii ay dhawaan xukuumadda Somaliland magaaladda Laascanood kaga saartay dadka ka soo jeedda koonfurta Soomaaliya.

Waxaanu sheegay wasiirku in arrintaasi ay la xidhiidhay sidii loo xaqiijin lahaa amaanka magaaladda Laascaanood oo sanadihii ina dhaafay iyo isla sanadkan aan ku jirno ay ka dhaceen dilal kala duwan oo loo gaystay dad ka mid ahaa  hal-doorka gobolka Sool.

Qorshihii Laascaanood lagaga saaray dadka ka soo jeedda Soomaaliya ayuu wasiirku ku tilmaamay inuu la xidhiidhay barnaamij guud oo dawladda Somaliland ka soo baxay oo odhanaya in la xadido lana ogaado tiradda dadka ajnabiga ah ee jooga Somaliland sifaha ay ku joogaan.

Arrinta labaad ee keentay in Laascaanood laga saarro dadka ka soo jeedda koonfurta Soomaaliya uu wasiirka daakhiligu ku sheegay in ay la xidhiidho dilalkii kala duwanaa ee   ka dhacay Laascaanood oo lagu tuhmay dadka ka soo jeedda Soomaaliya.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, waxa kaloo uu sheegay in aan haba yaraatee wax tacadi ah loo gaysan dadkaasi markii laga saarayay gobolka Sool, isla markaana loo fududeeyay sidii ay Laascaanood uga bixi lahaayeen. Iyadoo ay xukuumadda Somaliland dadkaasi ku daad-guraysay gawaadhi dalkoodii Soomaaliya dib ugu celisay, sidaas darteedna aanay jirin wax dhibaato ah oo la gaadhsiiyay.

Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu sidaasi ku sheegay barnaamijka Hal-adayg ee ka baxa Horn Cable TV oo uu marti ku ahaa todobaadkan, isagoona xusay in ka  hor intii aanay tallaabadaasi qaadin in ay wada tashiyo la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshadda gobolka Sool.

Waxaa magaaladda Laascaanood muddo ku sugnaa wefti ka socday xukuumadda Somaliland oo ay ku jireen xubno ka mid ah golaha wasiirradda oo uu hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed.

Iyadoo weftigaasi ay ka mid ahaayeen wasiirka Xanaanadda Xoolaha iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, wasiirka Gaadiidka iyo Jidadka, wasiirka Warfaafinta Saleebaan Cali Koore, iyo taliyeyaasha ciidamadda Milateriga iyo booliska ee Somaliland.

Geesta kale wasiirka arrimaha gudaha ayaa barnaamijkaasi waxaa wax lagaga waydiiyay hankiisa siyaasadeed ee  ku saabsan qabashadda hogaanka xisbiga Kulmiye, maadaama oo ay jiraan siyaasin kale oo isla xisbigaasi ka tirsan oo ay isku beel n aka soo wada jeedaan.

DAAWO: Waraysiga Wasiirka Daakhiliga:

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version