fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaHargeysa,(HargeisaPress)-Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdala ayaa dhambaal hambalyo ah u...

Hargeysa,(HargeisaPress)-Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdala ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Munaasibada Maalinta Geesiyaasha Qaranka Somaliland oo ah Xuska 37-Guurada Maalinta Shuhadada ee SNM. Gudoomiyaha ayaa sheegay inay maalintani ka mid tahay in si weyn loo xuso oo waliba maalmaha fasaxa lagu daro isla markaana ku maalin qiimo weyn ku leh Shacabka Somaliland oo lagu tilmaamayo siday dhiigoodda iyo naftoodaba xoraynta dalka ugu hureen halgameyaashii SNM dagaaladii dalka lagaga xoraynayay xukunkii dhiig miiratadda ahaa ee Siyaad Barre. Waxaan ilahay uga baryayaa in uu ka waraabiyo naxariistii janno inta dhimatay, inta noolna, umadda Somaliland waxa waajib ku ah in ay xurmo, xasuus iyo sharafba u hayaan dhammaan geesiyaashii naftooda u soo huray dalkeena”. Ugu danbayn Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Mudane: Axmed Cabdala ayaa tilmaamay in xurmo iyo xasuus aan duugoobayn ay bulshadda Somaliland u hayso halgameyaashii ku geeriyooday dagaalkii dalka lagu xoreeyay. “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan geesiyaashii naftooda, maalkooda iyo maskaxdooda u soo huray dalka, ee uu ugu dambeeyey halgankii hubaysnaa ee SNM, maalinta Xuska Shuhadada ee 17 October darteed. Waxaanu u haynaa geesiyaashaa dhammaantood xurmo iyo xusuus aan duugoobayn”.

    

Wefti uu hogaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta gelinkii danbe safar ku tegay magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Weftiga madaxweyne ku-xigeenka waaa duleedka barri ee  magaaladda Boorama kaga hor yimid oo ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Awdal, ka degmadda Boorama, isku-duweyaasha wasaarradaha dawladda ee gobolkaasi, iyo dadweyne fara badan.

Waxaana ugu horayn halkaasi madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisa ku soo dhaweeyay maayarka magaaladda Boorama Maxamed Axmed Warsame, oo sheegay in ay ka maamul degmo ahaan madaxweyne xigeenka ku soo dhawaynayaan magaaladda Boorama.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)