Friday, March 24, 2023
HomeWararkaXarunta Maaraynta Xogta Dhulka iyo Biyaha Oo La Dhagax Dhigay Hargaysa

Xarunta Maaraynta Xogta Dhulka iyo Biyaha Oo La Dhagax Dhigay Hargaysa

    

Xubno ka mid aha golaha wasiirradda Somaliland ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xarunta maaraynta xogta dhulka iyo biyaha oo laga hirgelinayo xarunta wasaaradda deegaanka ee maagaladda Hargaysa.

Xaruntani oo noqonaysa tii u horaysay oo nooceedda ah ee samiland laga hirgeliyo waxaa wada isticmaali doona wasaarradaha deegaanka, biyaha, beerraha, qorshaynta, wasaaradda xanaanadda xoolaha, iyo haayadda u diyaar garowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka.

Waxaana dhagax dhiga xaruntaasi ka soo qayb galay wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland, wasiirradda wasaarradaha qorshaynta, biyaha beerraha, wasiir ku-xigeenka xanaanadda xoolaha, iyo guddoomiyaha haayadda  u diyaar garowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka.

Sidoo kale waxaa madashaasi ka soo qayb galay wasirka hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta,  masuuliyiin ka socday qaar ka mida haayadaha caalamiga ah, iyo kuwa qaramadda midoobay ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda deegaanka iyo horumarinta Somaliland.

Muhiimadda ugu weyn ee ay xaruntani qaranka u qabanayso ayaa ah in shanta wasaarradood ee  wada jirka u maamulayaa ay ururiyaan xogta la xidhiidha maaraynta xogta dhulka iyo biyaha, taasoo ay markii hore ururin jirtay haayadda qaramadda midoobay ee FOA.

Xaruntan maaraynta xogta dhulka iyo biyaha Somaliland ee maanta la dhagax dhigay waxaa hirgelinteedda maalgelinaya ururka midawga Yurub,  iyo haayadda qaramadda midoobay u qaabilsan cuntadda iyo beeraha ee FOA.

Hirgelinta xaruntani maaraynta xogta dhulka iyo biyaha ayaa shaqadda ugu weyn ee ay qaban doontaa ka kooban tahay laba arrimood.

Kuwaasoo ay ka mid tahay in daraasado laga sameeyo dhulkeenu  Juquraafi ahaan sida uu u kala duwan yahay, iyo sida uu u kala manfac roon yahay, iyadoo soo saari doonta daraasado ku qotoma arrimahaasi.

Sida ay sheegtay wasiirka deegaanka iyo horumarinta Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo hadal ka jeedisay munaasibadii dhagax dhiga xaruntaasi.

 

Daawo: Hadalka Wasiir Shukri Baandare:

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)