Haldoornews.com
War deg deg ah: Shirweynihii Xisbiga Waddani Oo Dib Loo Dhigay.
October 12, 2021 - Written by admin
Hargeisa(Haldoornews):-Shirweynihii Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa dib loo dhigay muddo laba toddobaad illaa saddex toddobaad ah.
Shirweynahan oo qorshihiisu ahaa inuu dhacdo bishan aynu ku jirno 30-keeda illaa 31-ka, ayaa la sheegay in dib loo dhigayo muddo toddobaadyo ah, iyada oo maanta ay si rasmi ah dib u dhigista Shirweynaha ay u shaacin doonaan guddida qaban qaabada shirweynaha Waddani.
Ma jir war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Waddani weli, oo ku saabsan sababta dib u dhigista shirweynahooda, hase yeeshee xogo uu helay Wargeyska Saxansaxo, ayaa tibaaxay in dib loogu dhigay Wada hadallada u furmay Maxamuud Xaashi iyo Xisbiga Waddani, kuwaas oo sabtidii bilowday iyo weliba arrimo farsamo oo dhinaca ergooyinka ah.

COMMENTS
Arimaha Diinta