fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararka“Madaxweynuhu wuxuu amray in sanadkan Dhaamam badan oo haayad ama caalamka aan...

“Madaxweynuhu wuxuu amray in sanadkan Dhaamam badan oo haayad ama caalamka aan laga codsanin in aynu hantideen na ku qodano”

caalamka

    

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Cali Maxamed Xasan, ayaa sheegay in sanadkan uu madaxweynaha Somaliland amray in dalka laga hirgeliyo Dhaamam biyoodyo fara badan si looga baxo biyo yaraanta dalka ka jirta.

Kuwaasi oo dhaqaalaha ku baxaya haayad ama wadamadda beesha caalamku aanay ka caawinaynin, balse lagu fulinayo isku tashiga dhaqaalaha qaranka iyo bulshadda Somaliland oo hantideenna iyo haynteenna lagu qodayo.

Iyadoo laga faa’iidaysanayo in la xidho biyaha roobka oo biyo qabatin loo samayeeyo kadibna Dhaamam waaweyn lagu xidho biyaha roobka, Dhamam biyoodyadaasi ayaana la qorsheeyay in sanadkan laga qodo meello badan oo dalkan Somaliland ka mid ah.

Wasiir Cali Maxamed Xasan, waxa uu sidan ka sheegay kadib kormeer uu maanta ku tegay Dhaam biyood aad u weyn oo noociisu dalka ku cusub yahay oo uu maalgeliyay Baanka Horumarinta Afrika oo qodistiisu ka socoto degmadda Faroweyne ee gobolka Maroodijeex.

Dhaam biyoodka uu wasiirku kormeerku ku tegay waxaa fulintiisa iska kaashaday wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland iyo haayadda Care International, kaasoo hawsha qodistiisu ay hadda marayso meel gebo gebo ah.

Dhaam biyoodkani laga qodayo Faroweyne, ayuu wasiirka biyuhu sheegay inuu yahay mid aad u casri ah oo noociisu dalka ku cusub yahay, kaasoo qaadaya biyo dhan qiyaastii 420,000 oo Foosto.

Geesta kale wasiirka biyaha Somaliland waxa uu sheegay in Baanka Horumarinta Afrika iyo dawladda Somaliland ay isla afgarteen in dalka laga fuliyo ilaa Lix Dhaam biyood oo kan hadda qodistiisu ka socoto  Faroweyne uu yahay kii u horeeyay.

Waxa kaloo uu tilmaamay wasiirku in  kormeerka uu shalay ku tegay Dhaamka laga qodayo Faroweyne oo ay ku wehelinayeen masuuliyiin ka socday haayadda Care International oo qodista Dhaamkaasi fulinaysaa uu la xidhiidhay sidii uu u tusi lahaa inuu gebagebo marayo, isla markaana ay xukuumad ahaan diyaar u yihiin in ay fuliyaan shanta Dhaam biyood ee  kale.

Dhinaca kale wasiir Cali Mareexaan, waxa uu ka warbixiyay qorsheyaasha wasaaradda biyaha ee ah sidii dhulka Hadka ah ee Oomanaha ah looga hirgelin lahaa Baliyo iyo Dhaamam biyoodyo, kuwaasoo lagu tii doono ilaa Buuhoodle ilaa Faroweyne.

Maadaama oo dhulka Hadka ah ee Oomanaha ah aanay inta badan sidii la rabbay u guulaysan ceelasha dhaadheer ee Riigagga ah ee laga qodo, isla markaana Dhaamamka ay Somaliland heshiiska kula gashay Baanka Horumarinta Afrika in ay ka caawiso in laga fulin doono dhulka Hadka ah.

DAAWO WASIIRKA OO ARRIMAHAASI KA HADLAYA:

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)