fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaItoobiya Oo Somaliland Ku Caawisay Hal Milyan Oo Geed

Itoobiya Oo Somaliland Ku Caawisay Hal Milyan Oo Geed

    

Dawladda federaalka Itoobiya ayaa shaacisay in ay jamhuuriyadda Somaliland ku caawinayso dhir gaadhaysa hal milyan oo geed oo noocyo kala duwan isugu jira.

Tallaabadaasi ayaa qayb ka ah qorshe ay horaantii sanadkan dawladda Itoobiya shaacisay oo ahaa in ay dalalka Geesta Afrika ku caawinayso malaayiin dhir ah, si wax looga qabto isbedelka cimiladda adduunka.

Dhirtaasi ayaan qayb ka ah barnaamijka loogu magic daray cagaarinta  (Green Legacy) oo uu hindisay Raysal Wasaaraha dawladda federaalka Itoobiya Abiy Axmed.

Dhirtaasi ay Itoobiya ugu deeqday Somaliland ayaa loo soo marsiiyay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyadoo magaaladda Jigjiga ay u tegeen sidii ay dhirtaasi ula soo wareegi lahaayeen wefti ay hogaaminayso wasiirka deegaanka Somaliland.

Waxaana todobaadkan magaaladda Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya safar shaqo oo qaatay muddo labo maalmood ah ku tegay wefti ay hogaaminaysay wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil(Baandare).

Wasiirka safarkaasi ku weheliyay qaar ka mid ah masuuliyiinta wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga iyo khubarro aqoon u leh noocyadda iyo xanaanaynta dhirta.

Ujeedada Safarka Wasiirka ayaa la xidhiidha sidii ay ula soo wareegi lahayd dhir gaadhaysa hal milyan oo geed oo ay hore Dawladda Federaadka ee Itoobiya ugu deeqday Somaliland.

Dhirtaasi oo qayb ka ah barnaamijka (Green Legacy) oo uu hindisay Raysal Wasaaraha itoobiya.

Kaasoo bartil-maameedsanaya beerista in ka badan Lix Bilyan oo geed inta lagu jiro sannadkan ,iyada oo hal bilyan oo ka mid ah dhirtaasina ay itoobiya ugu deeqday dalalka la dariska ah ee aynu ka midka nahay.

Waxaana xadka ay wadaagaan labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland weftiga wasiirka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dawlada Deegaanka Soomaalida oo uu hogaaminayo wasiirka Deegaanka, Ilaalinta Kaymaha Iyo Isbadelka Cimilada Xasan Cumar.

Weftiga wasiirka deegaanka Somaliland markii ay gaadhay magaalada jig-jiga waxay soo kormeertay xarumaha dhir kobcinta ee magaaladaasi.

Si ay   ugu kuur-gasho  dhirta cimilo ahaan Somaliland ku haboon ee lagu kobciyo xarumahaasi, si markaas ka dib loo bilaabo qorshihii dhirtaasi dalka Somaliland lagu soo gaadhsiin lahaa.

Dhinaca kale wasiirka deegaanka Somaliland oo dhawaan ka hadashay mashruucani ay dawladda Itoobiya ku dhiraynayso wadamo ka tirsan Geeska Afrika ayaa si weyn u soo dhawaysay qorshahaasi.

Cabdicasiis Caydiid Yamani.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir