fbpx
Thursday, April 18, 2024
HomeWararka“Waan ku hanbalyaynayaa Somaliland in ay ka qabsoomeen doorashooyin xor iyo xalaal...

“Waan ku hanbalyaynayaa Somaliland in ay ka qabsoomeen doorashooyin xor iyo xalaal ah waxaanay tusaale u tahay dimoqraadiyadda Afrika”

    

Safiirka dawladda Taiwan u fadhiya caasimadda Somaliland ee Hargaysa Ambassador Allen C. Lou, ayaa Somaliland ku bogaadiyay in ay Afrika tusaale fiican ugu tahay dimoqraadiyadda ay ku talaabsatay mudadda ay jirtay.

Waxaanu sheegay in dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka ay hirgelisay tusaale wanaagsan u noqonayso wadamo badan oo qaaradda Afrika ka tirsan, isla markaana ay Taiwan ahaan Somaliland ku bogaadinayaan.

Ambassador Allen C. Lou, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad loogu dabaal degayay xuska 110 guurradda ka soo wareegtay madax banaanidda jamhuuriyadda Taiwan oo lagu qabtay Hargaysa.

Ambassador Allen, ayaa ka sheekeeyay qorsheyaasha horumarineed iyo iskaashi ee ay Taiwan la leedahay wadamadda caalamka, isla markaana ay dawladda Taiwan dedaal badan gelisay sidii ay u taageeri lahayd dimoqraadiyadda, xoriyadda iyo madax banaanidda.

Waxaanu sheegay in mudadda ay Somaliland iyo jamhuuriyadda Taiwan xidhiidhka saaxiibtinimo wada lahaayeen in ay dhinacyo badan iska kaashadeen, sida caafimaadka, waxbarashadda, kobcinta iyo tignoolajiyadda.

Waxaanu yidhi, “17-kii bishii August ee sanadkii 2020-kii ayaa si rasmi ah loo furay safaaradda Taiwan ee Hargaysa, taasina waxay dhabaha u xaadhay, in xidhiidh wanaagsan ay wada yeeshaan labadeena qaran ee Somaliland iyo Taiwan.

Iskaashigeenu wuu sii xoogaystay, isagoo dhinacyo badan leh. Waxaanan ka taageernaa Somaliland dhinacyo badan oo muhiim u ah horumarinta qaranka, sida beerraha, caafimaadka tignoolajiyadda, tamarta, macdanta, iyo ganacsiga.

Dhinaca caafimaadka Taiwan, Somaliland kama ay caawinin oo keliya xakamaynta Covid19-ka, oo ay qalab iyo daawooyin u keentay, balse waxay ka hirgelisay mashruuc lagu horumarinayo cusbitaaladda gaar ahaana hooyadda iyo dhalaanka. Waxa kaloo ay Taiwan ka taageertay Somaliland horumarinta iyo casriyaynta tignoolajiyadda”.

Geesta kale waxa uu tilmaamay in mudadda ay xidhiidhka saaxiibtinimo wada leeyihiin Somaliland iyo Taiwan in ay  ka caawiyeen waxyaabo fara badan.

“Waxaan doonayaa in aan hoosta ka xariiqo, waxa jira meello kale oo muhiim ah, oo qayb ka ah iskaashiga ay wadaagaan Somaliland iyo Taiwan, kaasoo ah in Taiwan ay ka taageertay Somaliland horumarinta waxbarashadda. Xidhiidhka saaxiibtinimo ee  ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan, waa mid muhiim ah. Waxaanan rejaynayaa inuu mustaqbalka sii xoogaysan doono” ayuu yidhi danjire Allen.

Dhinaca kale dawladda Taiwan waxay siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaana dalal badan oo caalamka ah ka taageertaa arrimaha dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka, iyadoo ay Somaliland ka mid tahay  wadamadaasi.

Sida uu sheegay safiirka Taiwan u jooga Hargaysa, waxaanu yidhi “Taiwan, waxay taageertaa, oo ay qayb ka qaadataa, dimoqraadiyadda, xoriyadda, madax banaanidda, nabadda, horumarinta, iyo deganaashiyaha ee guud ahaanba wadamadda caalamka,  kuwa gobolka ee qaaradda Aasiya iyo caalamka intiisa kale.

Taiwan waa dal aad u yar, marka laga eego xagga bedka dhulka. Laakiin, hadana waxay xaqiijisay in ay gaadhi karto oo ay saamayn ku yeelan karto wadamo badan oo dunidda ah.

Waanay ka go’an tahay Taiwan in ay sii xoojiso taageeradeedda dimoqraadiyadda ee caalamka. Taasina waa ta keentay in ay Taiwan xidhiidh la yeelato Somaliland. Xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan, waa mid aad u adag. Waxaanan rejaynayaa inuu mustaqbalka sii xoogaysan doono.

Waayo? Somaliland iyo Taiwan waxay wadaagaan halganka ay ugu jiraan xaqiijinta dimoqraadiyadda. Taiwan way ku qanacsan tahay in ay taageerto dimoqraadiyadda Somaliland. Waxaanay ka taageertay doorashooyinkii Somaliland ka dhacay badhtamihii sanadkan 2021-ka”.

“Waan ku hanbalyaynayaa Somaliland waanan ku faraxsanahay in ay ka qabsoomeen doorashooyin xor iyo xalaal ah. Taasina waxay jamhuuriyadda Somaliland ka dhigaysaa in ay tusaale u noqoto dimoqraadiyadda wadamo badan oo afrikaan ah”ayuu yidhi safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland.

Munaasibadaasi lagu xusayay 110 guuradda ka soo wareegtay xoriyadda Taiwan waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), iyo xubno ka mida golaha wasiirrrada.

Waxaana xafladaasi  soo qaban qaabisay safaaradda ay dawladda Taiwan ku leedahay caasimadda Somaliland ee Hargaysa,  iyadoona ay uu ka soo qayb galay safiirka dawladda Taiwan u fadhiya Somaliland ambassador Allen C. Lou,  iyo masuuliyiin kaloo safaaradda ka tirsan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir