fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaXildhibaan Barkhad Batuun Oo Soo Dhaweeyay Hawlgaladda Xukuumadda Ka Waddo Laascaanood

Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Soo Dhaweeyay Hawlgaladda Xukuumadda Ka Waddo Laascaanood

    

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, ayaa soo dhaweeyay tallaabadda ay xukuumadda Somaliland magaaladda Laascaanood kaga raafayso dadka ka soo jeedda koonfurta Soomaaliya.

Waxaanu sheegay in hawl galkaasi uu yahay mid lagu sugayo amaanka bulshadda reer Sool  oo tobankii sanadood ee u danbeeyay haldoorkoodda iyo waxgaradkooda loo gaysanayay dilal aan raadkoodda la helin.

Xildhibaan Batuun, oo ka mida golaha Wakiiladda Somaliland isla markaana ah af-hayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani waxa uu tilmaamay in ay ka xisbi ahaan si weyn u taageersan yihiin talaabadaasi ay xukuumadu ka fulisay Laascaanood.

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay masuuliyiinta dawladda federaalka Soomaaliya oo Somaliland ku canbaareeyay talabaadaasi ay Laascaanood kaga saartay dadka ka soo jeedda koonfurta Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)