fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararka“Rooble hadduu joogi lahaa Somaliland kuwii aynu gawaadhiga saarnay ayuu noqon lahaa”

“Rooble hadduu joogi lahaa Somaliland kuwii aynu gawaadhiga saarnay ayuu noqon lahaa”

    

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland  Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay raysal wasaaraha maamulka taagta daran ee Soomaaliya.

Hadalkaasi oo la xidhiidhay in raysal wasaare Rooble, uu dhaliilay tallaabadii ay Somaliland Laascaanood kaga saartay dadka ka soo jeedda Soomaaliya.

Wasiir Kaahin, waxa uu sheegay in raysal wasaaraha Soomaaliya uu ka hor intii aan xilkaasi loo magacaabin ka shaqayn jiray deegaamadda Somaliland, isagoona u shaqaynayay haayadda qaramada midoobay ee ILO.

Intii uu Rooble, ka shaqaynayay Somaliland ayuu wasiirka daakhiligu sheegay inuu masuulkaasi ku kacay musuq maasuq baahsan, isla markaana mashaariicda haayadaasi ugu tallo gashay Somaliland in ay ka fuliso uu lunsan jiray.

Maxamed Kaahin, waxa uu xusay in kadib markii ay arkeen khiyaamooyinkii uu waday Rooble, in ay Somaliland go’aan ku gaadhay in masuulkaasi laga saaro dalkeedda oo aanu ka sii shaqayn Karin.

Wsiirka daakhiliga Somaliland oo hogaaminaya weftiga ka socda xukuumadda Somaliland ee  ku sugan Laascaanood, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay munaasibad xadhiga lagaga jarayay dhismaha xarunta ciidamadda Birmadka ee magaaladda Laascaanood.

DAAWO: Wasiirka Daakhiliga Oo Arrimahaasi ka Hadlaya:

 

Geesta kale wasiirka wasaaradda warfaafinta Saleebaan Cali Koore, oo isna ka mid ah weftigaasi, isla markaana isla xafladaasi ka hadlay ayaa si weyn u dhaliilay hadaladii ka soo yeedhay raysal wasaaraha Soomaaliya.

Waxaanu ku tilmaamay raysal wasaare Rooble, masuul aan u qalmin xilka uu hayo, isla markaana iyadoo bulshadiisii ay ku sugan yihiin xaalad nabadgeliyo darro iyo duruufo kaloo nololeed aanay u banaanayn inuu ka hadlo arrimaha Somaliland.

Halkan Ka Daawo Wasiir Koore Oo Arrimahaasi ka Hadlayay:

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)