Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaMadaxweyne Biixi Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Agaasimeyaasha Guud Ee Wasaarradaha Dawladda

Madaxweyne Biixi Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Agaasimeyaasha Guud Ee Wasaarradaha Dawladda

    

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa isku shaandhayn ku sameeyay agaasimeyaasha guud ee wasaarraddaha dawladda iyo guddoomiyeyaasha haayaddaha dawladda qaarkood.

Inkastoo aan isku shaandhayntaasi aan lagu baahinin warbaahinta madaxtooyadda, ta dawladda iyo xataa baraha bulshadda ee madaxtooyadda Somaliland, isla markaana ay ahayd mid qarsoodi ah.

Hase yeeshee waxaa la sheegay in agaasimeyaal dhawr ah uu madaxweynuhu xilalkii ka qaaday, halka uu kuwo cusub na magacaabay.

Balse digreetooyinka ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa la sheegay in toos loo gaadhsiiyay xubnaha la magacaabay iyo kuwa la eryey.

Xogo hoose oo aanu hlenay ayaa sheegaya in xubno toban gaadhaya oo agaasimeyaal guud ah in ay xilalkooda waayeen, halka xubno cusub oo agaasimeyaal guud ahna uu madaxweyne Biixi magacaabay.

Hadaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa magacyadda agaasimeyaasha guud ee xilalkoodii waayay ama uu madaxweynuhu ka qaaday iyo kuwa uu magacaabay.

Xubnaha Agaasimeyaasha Guud ah ee  xilalkooda waayay, waxa ka mid ah:

1- Jamaal Cabdi Muuse, Agaasimihii Wasaaradda Hawlaha Guud

2- Maxamed Deeq, Agaasimihii Guud ee Komishanka Maamul Wanaagga.

3- Maareeyihii Haamaha Shidaalka Xasan Embesi

4- Agaasimihii Wasaaradda Ganacsiga

5- Agaasimihii Guud Wasaaradda Caddaaladda

6- Agaasimihii  Guud ee Wasaaradda Biyaha

7- Agaasimihii Guud ee Beeraha

8- Agaasimihii Guud Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha

9- Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Beeraha.

10- Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Deegaanka

11- Agaasimihi Guud ee Komishanka AIDS-KA.

Xubnaha la magacaabay iyo kuwa la isku beddelay:

1- Maxamed Somali, oo loo magacaabay Wasaaradda Maalgashiga, halka Agaasimihii Guud ee Wasaaradaasi loo beddelay Agaasimaha Komishanka Maamul Wanaagga.

  1. Cabdillaahi Jiidhe oo ahaa Xildhibaan dhacay oo Kulmiye Sool uga tartamayey ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hawlaha Guud.
  2. Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Caddaaladda ayaa loo beddelay inuu noqdo Guddoomiye kuxigeenka Baanka oo bannaanaa, halka Agaasime cusub loo magacaabay Wasaaradda Caddaaladda.

4- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa loo Magacaabay Cabdikarim Muxumed Cadde, halka agaasimihii Guud ee Qorsheynta ayaa loo beddelay Komishanka AIDS-ka.

5- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, ayaa loo magacaabay Xamse Xaamud Guleed oo ah qurbo jooga.

6- Guddoomiyihii Hay’adda tayo dhawrista, ayaa loo beddelay Guddoomiyaha Komishanka Tamarta, halka Guddoomiyihii Komishankaasi la geeyey tayada.

7- Agaasimaha Guud eeWasaaradda Arrimaha Guddaha ee dhinaca Amniga ah, ayaa loo magacaabay Ibraahim Cali.

  1. Cabdirashiid Yaasiin Caydiid ayaa loo magacaabay Agaasimaha Wasaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

9- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha ayaa loo magacaabay Cabdi Faarax.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)