fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaBoorama: Wasiirka Caafimaadka Oo Xadhiga Ka Jaray Xarunta Kaydka Dhiigga

Boorama: Wasiirka Caafimaadka Oo Xadhiga Ka Jaray Xarunta Kaydka Dhiigga

    

Wasiirka Caafimadka Somaliland ayaa maanta Xadhiga ka jaray xarunta lagu kaydiyo Dhiigga iyo xarun lagu sifeeyo Kelyaha oo laga hirgeliyay cusbitaalka guud ee magaaladda Boorama.

Wasiirka wasaaradda caafimadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa u mahadceliyay hablaha ku deeqay xaruntaas dhiiga iyo mishiinadaas lagu sifaynaayo kelyaha.

Waxaanu xusay in xarunta sifaynta kelyuhu ay noqon doonto mid si bilaash ah ugu adeegta dadka u baahan in kelyaha loo sifeeyo.

Agaasimaha cisbitaalka guud ee magaalada Boroama Dr. Aadan Ibraahin Liibaan, oo hadal ka jeediyay wasiirka ka hor ayaa sheegay in mishiinada sifaynaya kelyaha ee lagu soo kordhiyay cisbitaalkaasi yihiin afar mishiin.

Kuwaas oo ay ku soo deeqdeen hablo reer Somaliland ah, kuwaas oo ugu talo galay inay ka qayb qaataan kor u qaadida caafimaadka gobolka Awdal, waxaanuu intaas ku daray in dhisamaha xaruntaasna ay gacan ka gaysatay dawlada hoose ee degmada Boorama.

Guddoomiyaha gobolka Awda Maxmamed Axmed Caalin Tiimbaro ayaa u mahadceliyay habnlaha cisbitaalka Boorama ugu deeqay mishiinadaas.

Waxaanu guddoomiye Tiimbaro uu baanka dhiiga ee cisbitaalka Boorama ugu deeqay dhiig, waxaanuu bulshada gobolkaas ku nool uu u soo jeediyay inay diigooda ku deeqaan is loogu shubo dadka u baahan ee uu u adeego cisbitaalkaasi.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)