fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaSomaliland Oo Ka Hadashay Sababta Ay Dadka Uga Raaftay Laascaanood

Somaliland Oo Ka Hadashay Sababta Ay Dadka Uga Raaftay Laascaanood

    

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay sababaha keenay inay dalka ka mastaafuriso boqollaal qof oo u dhashay degaanka Koonfur-galbeed ee dalka Soomaaliya oo laga saaray magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool maalintii Sabtida.
La-taliyaha gaar ka ah ee Madaxweynaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay in amni-darrada iyo dilalka ku soo noqnoqday magaalada Laascaanood ay sababtay in xukuumadda Somaliland tarxiisho shacabka ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku dhaqnaa Laascaanood.


Md. Cali Maxamed Warancadde oo waraysi siiyey muuqbaahiyaha Universal maanta, ayaa sheegay in dilalka ka dhacaya Gobolka Sool ay shabbahaan kuwa ka dhaca dalka Soomaaliya, sidaa darteedna ay xukuumadda Somaliland go’aansatay in gobolkaas laga saaro dadka reer Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo muddo ku dhaqnaa.

“Gobolka Sool muddo dheer wuxuu ka bixi waayey dil iyo khal-khal iyo waxyaabihii Soomaaliya ka socday wax u eg.
Arrintaasi dabadeedna waxay keentay tuhun faro badan, waayo dadka gobolka deggan waa dad is dhalay, waa dad is yaqaana, waxyaabaha kaliya ee gobollada ka dhici jiray wuxuu ahaa wax aanno la yidhaa, laakiin imminka waxa yimi wax u eg wixii Xamar ka dhici jiray oo kale,” ayuu yidhi Cali Waran-cadde.

Waran-cadde waxa uu sheegay in dadka ku dhaqan gobolka Sool aanay caado u lahaan jirin in ay madaxda laayaan, sidaa darteedna xukuumadda Somaliland ay dadka reer Koonfur Galbeed  ee Soomaaliya ku tuhuntay in ay ka dambayn karaan amni-darrada Laascaanood.

Waxaanu yidhi “Waala is waydiiyay waayo dadka ehelka ah ee halkaa ku nooli, waa dad aano iyo waxa isku qabsada ee dad waxgaradka   iska laaya may ahayn, markaa tuhunkaasi wuxuu keenay, dee dadka reer Somaliland waa dad dhalasho leh, dad aan gobolka u dhalan ayaa jooga ayaa la yidhi, markaa si aynu innagu isku hubsano bal in dadkaa gobolkoodii lagu celiy

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)