HomeWararkaBoorama:Xafiiska Haayadda dhawrista Tayadda Oo Xadhiga laga Jaray Wararka Boorama:Xafiiska Haayadda dhawrista Tayadda Oo Xadhiga laga Jaray By Admin October 2, 2021 0 38 Share FacebookTwitterPinterestWhatsApp Badhasaabka gobolka Awdal oo uu wehelinayo guddoomiyaha haayadda dhawrista tayadda Somaliland ayaa maanta xadhiga ka jaray xafiiska ay haayadaasi ku yeelanayso magaalada Boorama. DAAWO WARKAASI: Share this:TwitterFacebook Share FacebookTwitterPinterestWhatsApp Previous articleLaascaanood: Booliska Oo Magaaladda Ka ururiyay Dadka Ka Soo jeeda K.Soomaaliya By admin – October 2, 2021045 Laascaanood (HP): Waxaa labadii maalmood ee u danbeeyay ka soconaya magaaladda Laascaanood hawl gallo ay ciidamadda amaanku ku ururinayaan dadka ka soo jeeda koonfurts Soomaaliya. Hawl galadaasi ayay ciidamadda boolisku ku beegsanayaan dadka aan u dhalan Somaliland ee ka soo jeedda koonfurta Sooomaaliya. Kuwaasoo u badan ganacsato ayaa la sheegay in ciidamadu ay suuqyadii ay ku ganacsanayeen ay ka ururiyeen, kadibna ay geeyeen meel xerro ah. Halkaasoo la isugu keenay ku dhawaad boqol qof oo ah dad aan u dhalan Somaliland ee ka soo jeedda koonfurta Soomaaliya. Waxaanay wararku sheegayaan in xataa qaar ka mid ahaa ganacsatadaasi in meheradahoodii albaabadda la isugu dhuftay, isla markaana laga kexeeyay. Sababta keentay in magaaladda Laascaanood ayaa lagu tilmaamay mid la xidhiidha tallaabo wax lagaga qabanayo amaanka magaaladaasi. Iyadoo ay mudooyinkan danbe magaaladda Laascaanood ka dhaceen dilal loo gaystay xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Laascaanood iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda Somaliland ka tirsan. Dilalkaasi kala danbeeyay ee Laascaanood ka dhacay ayaan ilaa hadda cid loo qabanin, inkastoo ay booliska iyo maamulka gobolka Sool ba sheegaan in baadhitaan la waddo. Hase yeeshee kadib markii ay adkaatay in wax raad ah loo hello cidii ka danbaysay dilalkaasi ayaa ciidamadda amaanku ay tallaabadani qaadeen. Talaabadani ayaa lagu tilmaamay mid la xidhiidha si amniga wax looga qabto, isla markaana loo xaqiijiyo sugnaantiisa ayay ciidamadda amaanku qaadeen. Dadkan laga ururiyay magaaladda Laascaanood oo meel xerro ah la isugu geeyay ayaa la sheegay in maalmaha soo socda loo tarxiilo dhinacaasi iyo koonfurta Soomaaliya. Geesta kale hawl galadani Laascaanood lagaga raafayo dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili ay magaaladaasi ku sugan yihiin wefti wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland. Weftigaasi oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, oo muddo saddex maalmood ah ku sugan Laasaacnood ayaa kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshadda. Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo uu maamulka gobolka Sool iyo haayadaha amaanku kaga hadleen tallaabadani lagu raafayo dadka aan u dhalan Somaliland ee ku nool Laascaanood.Next articleGuddoomiyaha SOLJA Oo Shaaciyay Bilawga Tartanka Cawke Aword Adminhttps://www.haldoornews.com RELATED ARTICLES Wararka Qaar kamida dhalinyaradii loo xidhay rabshadihii dhawaan ka dhacay Borama oo xoriyadoodi dib u helay May 30, 2023 Wararka Mid ka mid ah wadaa’dada ugu weyn culimada qaadiriyada oo Hargeysa si balaadhan loogu soo dhaweeyey…Daawo May 30, 2023 Wararka Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa kala diray shaqaalaha Kaadh qaybinta ee ka hawlgalaya gobolka Saaxil. May 30, 2023 LEAVE A REPLY Cancel reply Comment: Please enter your comment! Name:* Please enter your name here Email:* You have entered an incorrect email address! Please enter your email address here Website: Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment. - Advertisment - Arimaha Diinta Arimaha Diinta Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji IsmacilAdmin - December 3, 20220Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil Read more Arimaha Diinta Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..DaawoAdmin - October 22, 20220Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo Read more Arimaha Diinta Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.Admin - October 22, 20220Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir. Read more Arimaha Diinta Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar DirirAdmin - October 21, 20220Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir Read more Arimaha Diinta Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)Admin - October 21, 20220Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim) Read more
Badhasaabka gobolka Awdal oo uu wehelinayo guddoomiyaha haayadda dhawrista tayadda Somaliland ayaa maanta xadhiga ka jaray xafiiska ay haayadaasi ku yeelanayso magaalada Boorama. DAAWO WARKAASI: